Ciidanka Qaranka JSL Waa Geesiyaal Waajibkooda Gutay Haddii aan la Farogelin” Wasiirka Ciyaaraha

0
31

“Xisbiga Waddani ayaa ciidanka jabiyay kadib markii u buurta fuulay qaranka oo difaac ku jira”

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa ka warbixiyay in jabinta ciidanka Qaranka uu ka danbeeyay Xisbiga Waddani haddana uu sii wado heeso lagu durayo ciidanka qaranka JSL, taasi oo uu u adeegsanayo fannaniin uu lacag ku siiyay si ay u dhaliilaan ciidanka Qaranka.

wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax waxa kale oo uu sheegay in Ciidanka Qaranka JSL uu yahay geesiyaal waajibkooda gutay, isla markaana ku filan difaaca dalkooda, haddii aan la farogelin. waxaanu tilmaamay in xisbiga Waddani faro-gelin ku hayo ciidamadeena.

Wasiirka Ciyaaraha oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ciidanka Qaranku waa geesiyaal waajibkoodii gutay, kuna filan shaqada ay hayaan haddii aan la faragelin, faragelinta gudaha ciddii samaysay ayaa heesahana imika soo qaaday, ciidanka Waddani baa jabiyay si toos ah oo cad oo cid walba ay aragto ayay ahayd wixii ay samaynayeen markii dagaalku socdayna meesha ka soo baxa ayay lahaayeen”.

Geesta kale wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa xusay inay jireen shabakado isku xidhan oo Xisbiga Waddani ku jiro kuwaasi oo abaabulayay sidii loo hagar daamayn lahaan ciidanka waxaanu yidhi “Qarankan cidda ku soo duushay iyo cidda jabisay ciidanka iyo cidda mu’aamaraadka samaysayba Waddani bay ahayd oo way iska cadayd, Cabdirisaaq Khaliif baynu garanaynaa oo qolada hadda gudaha Waddani jooga ayaynu garanaynaa, dhammaan shabakado isku xidhan bay ahaayeen oo ka shaqaynayay sidii ciidanka loo lu’goyn lahaa ee loo hagar daamayn lahaa”.

Gebo’gabadii wasiirka dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Muuse Faarax ayaa sheegay in arrinta dib u gurashada ciidanka Qaranku ay ahayd mid loogu tudhayay bulshada reer Somaliland ee Laascaanood ku nool, taasi ay keentay in dib looga soo baxo, haddana la qorshaynayo sidii loogu noqon lahaa waxaanu yidhi

“Arrintaasi runtii may guulaysan oo ciidanka Qaranka ayaa guulaystay, arrinta nidaamka ah in ciidanku dib u soo baxaana talo Qaran bay ahayd, maadaama oo dadka muwaadiniinta ah loo tudhayay ee gudaha Laascaanood ku nool taasi waxay keentay in firaaqadaasi la siiyo, mana aha dhul ay ciidanka Qaranku awoodi kari waayeen inay dib ugu laabtaane waxa la doonayaa in nidaamka ugu hagaagsan ee dadkaasi ku badbaadayaan dalkiina lagu soo celin karayo la yeelo.

Imikana waa lagu gudo jiraa oo meel fiican bay maraysaa oo dadku xaqiiqadii baa la isla gaadhay, balse Xisbiga Waddani ayaa ciidanka jabiyay, waxba yaanu Fannaan lagac siinin Idaacadahana ka qaylinin warkiisuna waa cad yahay, muwaadiniinta Somaliland ciddii cidanka jabisay waa Waddani ee ha ogaadan oo ha iska jiraan”.