Somaliland iyo Itoobiya oo ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

0
40

Qore: Khadar M. Xaashi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Gashaandhiga JSL Mudane Rooble Muuse Cabdi, ayaa kulan la yeeshay safiirka dalka Ethiopia u fadhiya Somaliland Teshome Shunde Hamito, kulankan oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda Gaashaadhiga Somaliland ayay laga wada hadlay xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.

Intii kulanku socday waxaa lagaga wada hadlay Arrimaha Amniga Gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa la isagana kaashan lahaa iyo danaha Labada dal, waxana ay isku waafaqeen in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dal.

Somaliland iyo Itoobiya waa laba dal oo uu ka dhexeeyo xidhiidh qoto dheer kaasi oo ku qotoma arrimaha nabadgelyadda, dhaqaalaha, Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, waxaana intaasi dheer in ay wada galeen heshiis iskaashi oo dhinaca isticmaalka Biyaha Badda ah kaasi oo hirgalintiisa wax yar ka hadhsan yihiin.

Geesta kale kulankan ayaa lagu soo qaaday xiisadaha ka aloosan mandaqada Geeska iyo sidii dhinac looga soo wada jeedsan lahaa wax ka qabashadooda, waxaan aad wax la isaga waydiiyay adkaynta amniga gudaha iyo xoojinta xidhiidhka walaalnimo ee Somaliland iyo Itoobiya.

Gebo’gabadii Bariga Afrika ayaa hadda waxa ka taagan Murano siyaasi ah kaaso oo u baahan in lala socdo waxna la iska waydiiyo sidii looga dabaalan lahaa, waxaana ugu wayn ilaalina amniga iyo adkaynta xidhiidh u dhexeeya laba dal.