Golaha Guurtida JSL oo Dood ka Yeeshay Arrimaha Horumarinta Deegaanka Fariina u Diray Wasaaradda Deegaanka

0
64

Ilaalinta iyo darteelka deegaanku waxay ka mid tahay  waxyaabaha ugu muhiimsan ee ay dawladha caalamku waayadan danbe sida weyn ugu ololaynayaan, isla markaana ay lagacaha malaayiinta ah ku bixinayeen sidii deegaanka iyo duur joogtaba loo daryeeli lahaa.

Waxaana jira siyaasado loo diyaariyay sidii loo ilaalin lahaa, kuwaasoo ay dawladuhu ku hagaan bulshooyinkooda in ay fahamsanaadaan qiimaha iyo faa’iidadda ay leedahay ilaalinta deegaanka iyo nooleyaasha kale ee  ku dul nool ba.

Wadankeena Somaliland haddii aynu eegno waxaa jira qorsheyaal iyo siyaasado ay u dejisay wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland sidii loo ilaalin lahaa deegaanka, isla markaana looga joojin lahaa dhamaanba waxyaabaha dhibaatadda ku ah, sida xaalufka, jarista dhirta dhuxusha laga dhigo, iyo seereyaasha sida sharci darada ah dhulka xoolo daaqeenka ah looga ooto.

Iyadoona wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ka duulayso dhibaatooyinka kala gedisan ee  ka dhashay isbedelka cimiladda ee aafeeyay guud ahaanba adduunka ayaa waxaa ay samaysay qorsheyaal muhiim ah oo lagu ilaalinayo deegaanka.

Sidoo kale haayadaha kala duwan ee ay dawladda Somaliland iyo wasaaradaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladda ayaa iyagna ka qayb qaata arrimaha la xidhiidha ilaalinta iyodaryeelka deegaanka, kuwaasoo bulshadda ku baraarujiyo sidii ay deegaankooda uga ilaalin lahaayeen dhamaanba waxyaabaha wasakheeya.

Goleyaasha sharci dejinta ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa iyagna qayb weyn ka qaata arrimaha la xidhiidha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka, kuwaasoo hadba wixii shuruuc iyo xeerar ah ee loo soo gudbiyo ee  ku saabsan daryeelka deegaanka si buuxda u ansixiya.

Hadaba qornadeena todobaadka ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa xildhibaanadda golaha Guurtida Somaliland oo dhawaan dood adag oo dhinacyo badan taanabaysa ka yeeshay arrimaha ilaalinta deegaanka.

Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir guddoominaayey Guddoomiyaha Golahaasi Mudane- Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa Mudaneyaasha Golahaas waxay dood dheer ka yeesheen sidii loo ilaalin lahaa Deegaanka, fayo dhawrkiisana looga shaqayn lahaa, iyada oo ay mudaneyaashu Beeraleyda wadanka ka codsadeen in sii laban laabaan tacabka wax soo saarka dalaga Beeraha.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland waxay doodoodaas ku soo qaadeen,kagana hadleen dhibaatada Geedka Garan waagu uu ku hayo Deegaanka, iyaga oo Masuuliyiinta wasaaradda Deegaanka iyo isbeddelka Cimiladda Somaliland ka dalbaday in ay la yimaadaan Siyaasad cad oo wax lagaga qabanaayo Geedka garanwaaga,waxa aanay soo jeediyeen mudaneyaashu habab kala duwan ay tilmaameen in lagaga hortegi karo nabaad guurka iyo xaalufka ku yimaadda Deegaanka.

Waxaanay Golaha Guurtida Somaliland ayaa waxay xukuumadda u soo jeediyeen in wax laga qabto dadka seerayaasha oota ,isla markaana xoolaha u diida in ay manaafacaadsadaan seerayaasha.

Mudaneyaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa sida oo kale ka hadlay Fayo-Dhawrka magaalooyinka dalka, waxa aanay fariin u direen maayirada magaalooyinka waaweyn, iyaga oo ka codsaday in ay wax ka qabtaan Fayo-dhawrka,isla markaana siyaabo kala duwan looga faa’iidaysto caagadaha biyaha iyo sharaabka laga isticmaalo ,iyada oo loo isticmaalaayo habab kale.

Cabdikariim Sheekh Axmed Furre, oo ka tirsan golaha Guurtida Somaliland oo ka qayb qaatay doodii ay mudaneyaashu ka yeesheen arrimaha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka ayaa ku baaqay in la ilaaliyo daryeelka deegaanka, maadaama oo dadkeenii hore ay si toos ah noloshoodu ugu tiirsanayd isla markaana ay ka samaysan jireen wax kasta oo ay u baahan yihiin, sida Dharka, Weelka wax lagu cuno, guryaha iyo waxyabao kale.

Wuxuu soo jeediyay in laga faa’iidaysto khayraadka deegaankeena, buurihii ayaana la ootay, oo la kala sheegtay, isla markaana wuxuu xukuumada u soo jeediyay in wax laga qabto dhibaatadda haysata deegaankeena Badd iyo berriba.

“Jaamacaduhu waa in ay dood cilmiyeedyo ka qabtaan xaaladaha soo waajahay deegaanka. Anigu waxaan soo jeedinayaa siyaasadda xagga daryeelka deegaanka, in aynu u soo jeedsano, waana in xaaladaha iyo marxaladaha jira lagu xisaabtamo. Xukuumada waxaan leeyahay waxyaabaha deegaanka khuseeya oo dhan dawladu hala soo wareegto, inaguna ka gole Guurti ahaan waa in aynu ka gacan siino.

Haddii ay noqoto Buuraha, Seereyaasha xoolaha, duur joogta wadankeena oo meesha ka baxday, iyaguna haddii ay heli lahaayeen meel ay gabaad ka dhigtaan. Waxaan soo jeedin lahaa in ay daryeelka deegaanka ka yeelano qorshe, oo jaamacadaha waa in lagu soo bandhigo aqoon is waydaarsi ku saabsan daryeelka deegaankeenna. Waayo? Maanta sida ay xaaladu tahay dadku markab wax loo soo saaro, oo wax loogu soo waarido, ma anfacayso, hawluhuna way sii adkaanayaan. Waa in aynu kaafdoono, oo wax soo saarkii dhulkeena iyo beeraha aynu bal horta ku filaan karno in ay dadkeenu isticmaalaan waxa beeraheena laga beero”ayuu yidhi xidlhibaan C/kariin Furre.

Waxa kaloo uu xildhibaanku uu sheegay in waayadii hore au dadkeenu huga ay xidhan jireen, iyo guryaha ay gelayeen, iyo dhamaanba agabyada kale ee ay nolosha qoysaskooda ku maamulanayeen in ay ku tiirsanayd deegaanka, gaar ahaana wxyaabah dhirta laga sameeyo.

Hase yeeshee in wakhtiyadan danbe ay dadkeenu ka guureen noloshoodii ku tiirsanayd dhirta iyo deegaanka, isla markaana ay ku xidhan yihiin gebi ahaantoodba waxyaabaha wadamada dibadda laga soo waarido, sidaas darteedna aanay suurto ahayn in lagu sii xidhnaado waxyaabaha wadamada shisheeye laga soo dhoofinayo.

Waxa kaloo uu xildhibaan Cabdikariim Sheekh Axmed Furre, soo jeediyay in xukuumadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda deegaanka iyo isbedelka cimiladu ay ku dedaalaan sidii dalka looga hirgelin lahaa in jaamacadaha dalka ku yaala lagu barto, isla markaana lagu qabto dood cilmiyeedo ku saabsan arrimaha daryeelka deegaanka.

Sidoo kael Cabdikariim Sheekh Axmed Furre, ayaa ku baraarujiyay guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshadda reer Somaliland in ay si weyn uag wada shaqeeyaan ama ugud edaalaan sidii ay dhulkooda wax ugala soo bixi lahaayeen, isla markaana ay beeraha u tabcan lahaayeen si ay uag maarmaan cuntooyinka iyo waxyaabaha kale ee wadamadda dibadda looga soo dhoofiyo.

Xildhibaanka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Inagu waagii hore waxaynu ahayn dad waxa ay beeraha kala soo baxaan cuna, laakiin imika waxaad moodaa in hal shay oo waxa dalkeena ka soo baxa ah oo aynu isticmaalnaa ma jirto. Waxaanan leeyahay inagu xildhibaano qaran ayaynu nahaye, arrinta aynu u jeedino xukuumada, iyo cida ay khusayso ee ah aqoon yahanka cilmiga beeraha soo bartay, iyo ka faa’iidaysiga Kalluunka iyo khayraadka Badda.

Waa in jaamacadaha dalka arrinta deegaanka lagaga doodo. Waana in jaamacadaha goboladda dalkoo dhan ka jira dood cilmiyeed arrinta deegaanka khusaysa laga yeesho, waayo? Waxaa maanta soo kordhay duruufo jira oo dhuunigii la cunayay. Waana in aynu noqono dad Dharka ay xidhanayaan iyagu samaysta, dad waxa ay cunayaan iyagu beerahooda kala soo baxa”.

Geesta kale xildhibaanku waxa uu ka hadlay dhibaatooyinka soo waajahay deegaankeena gaar ahaana duur joogtii iyo ugaadhii oo wadankeena ka sii dabar-go’ysa, maadaama oo uu xaaluf iyo nabaad guur darin ku dhacay.

Waxaanu soo jeediyay xildhibaanku in ilaalinta duur joogtu ay ka mid tahay waxyaabaha faa’iidadda u leh deegaanka, isla markaana ay ka qayb qaataan bilicda ama quruxda wadanka, balse ay waayadan danbe wadankeena ka guurtay duur joogtii.

“Deegaanka ILAAHAY SWT ina siiyay, wixii dhibaya in aynu ka ilaalino, si ay Hwada cimiladeenu u wanaagsanaato, waana in aynu beeraha qodano, oo aynu ka faa’iidaysano. Waa in aynu ceelasha qodano oo aynu biyaha la soo baxno. Tusaale ahaanw axyaabaha dhulka ama deegaanka quruxda iyo sharafta u ah waxaa ka mid ah duur joogta, quruxda deegaankaw axaa ka mid ah Fardaha hala dhaqdo” ayuu yidhi xildhibaan C/kariin