Nin Muslim ah oo Maayer ka ah Magaalo Maraykankka ah oo Taageeray Trump?

0
48

Ku dhawaad 20,000 oo magaalo oo ku yaalla Mareykanka, keliya wax yar oo ka mid ah ayaa duqa magaalooyinku ay muslimiin yihiin. Mid ka mid ah dadka muslimiinta ah oo duq kka ah magaalo yar oo ku taalla gobolka Michigan, ayaa taageeray Donald Trump doorashada madaxweynanimo ee soo socota.

Natiijooyinka ra’yi ururinta Michigan ayaa waxay muujinayaan in dadka asalkoodu carabta yahay ay doorbidayaan musharax Trump marka loo eego, Kamala Harris. Michigan ayaa ka mid ah toddobada gobol ee muhiimka u ah go’aaminta natiijada doorashada sanadkan.

Amer Ghalib, oo ah duqa mid kamid ah magaalooyinka ee Mareykanka, ayaa ku dhashay Yemen, wuxuuna u soo guuray Mareykanka isagoo 17 jir ah. Wuxuu haatan mudo labo sano ah duq ka ahaa magaalada Hamtramck, oo ku dhow Detroit.

Wuxuu aaminsan yahay in Trump uu yahay nin leh “mabaadii” iyo doorashada ugu wanaagsan ee “waqtigan adag” ee soo socda u talin kara dalka.

 

Amer Ghalib, oo ah xubin ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga, ayaa laba muuqaal soo dhigay Facebook isagoo ku taageeraya musharraxa xisbiga Jamhuuriga: mid wuxuu ahaa Af-Carabi mid kale na Af-Ingiriis.

Muuqaaladaas, ayuu uga hadlayay kulankiisii uu la yeeshay Trump intii lagu guda jiray ololaha doorashada ee Michigan.

Intii uu socday kulankaas, madaxweynihii hore ayaa dhageystay walaacyada Amer Ghalib ee ku saabsan Muslimiinta Mareykanka wuxuuna sheegay in ujeedada siyaasaddiisa arrimaha dibedda ee ah “in uu soo afjaro colaadaha ka jira Bariga Dhexe iyo meelo kale” aanay iyaga saameyn.

Trump ayaa u balan qaaday inuusan wax dagaal ah ka bilaabi doonin meelo ka mid ah dunida.

Ghalib ayaa u sheegay dhegaystayaashiisa Facebook, “Tobankii bilood ee la soo dhaafay, waxa aan dooneynay: xabad joojin.” Wuxuu ujeedkiisu ahaa tobanka bilood tan iyo bilowgii dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Gaza iyo dhulka kale ee Falastiiniyiinta. “Laakiin cidina nama dhagaanay, ciddina iskuma dayin inay tan hirgeliso,” ayuu raaciyay isagoo dhaliilaya xubnaha xisbigiisa oo aan isticmaalin awooddooda Aqalka Cad iyo Senetka 11-kii bilood ee la soo dhaafay si loo joojiyo daadinta dhiigga ka sii socota Bariga Dhexe.

Sida uu sheegay Ghalib, xisbiga Dimuqraadiyiintu xitaa iskuma dayin inay dhegaystaan Muslimiinta Mareykanka. Waxa uu u sababeeyay in markii Joe Biden uu booqday Michigan, uu Ghalib kaliya ku guuleystay inuu la hadlo madaxweynaha muddo dhowr daqiiqo ah.

Balse, Trump wuxuu la hadlay qiyaastii wax ka badan labaatan daqiiqo oo xitaa wuxuu ku casuumay inuu soo koro masraxa si uu ula hadlo dhegaystayaasha kale.

Trump ayaa wuxuu ku ammaanay Ghalib taageerihiisa cusub wareysi uu siiyay mareegta midigta fog ee “Breitbart,” isagoo sheegay inuu diyaar u yahay inuu booqdo magaaladooda si uu ololaha doorashada ugu sameeyo.

Doorashooyinka Mareykanka, musharraxu wuxuu ku guuleystaa marka uu helo inta badan codadka “kulliyadda doorashada” wax loo yaqaano.

Mid kasta oo ka mid ah kontonka gobol ayaa leh tiro gaar ah oo codad doorasho ah, oo inta badan ku saleysan tirada dadka ku nool. Badankood gobolladu waxay siiyaan dhammaan codadkooda musharraxa ku guuleysta codadka shacabka ee gobolkaas.

Natiijada Washington, D.C., iyo 43 gobol ayaa guud ahaan la saadaalin karaa cida ay codkooda siinayaan, laakiin natiijooyinka toddobo gobol, oo ay ku jirto Michigan, waa kuwo aan la hubin.

Michigan waxay u codaysay Trump sanadkii 2016, halka ay u codaysay Joe Biden 2020. Sahaminta ayaa muujinaysa in labada musharraxba ay fursad ku leeyihiin gobolladan muhiimka ah.