Waa kuma Nasrallah hoggaamiyaha Xisbullah ee ay Israa’iil dishay

0
82

Xisbullah ayaa xaqiijisay geerida hogaamiyihii ururkaasi Sheekh Xasan Nasrallah, kadib markii Israel ay sheegtay inay 64-jirkan ku dishay duqeyn ay ka geysatay Beirut.

Nasrallah oo ahaa hogaamiyihii hore ee dhaq dhaqaaqa Shiicada Islaamiga ah ee Lubnaan ayaa ahaa mid kamid ah shaqsiyaadka ugu caansan iyo kuwa saameynta ku leh bariga dhexe.

Kahor dhimashadiisa, Nasrallah laguma arag meel fagaare ah muddo sanado ah, sababtoo ah cabsi laga qabay in Israel ay disho.

Milatariga Israa’iil waxay shalayoo sabti ah sheegeen inay ku dileen Nasrallah weerar ay ku qaadeen caasimadda Lubnaan.

Nasrallah waxa uu ahaa shakhsi xiriir dhaw la leh Iran oo door muhiim ah ka qaatay sidii Xisbullah ay u noqon lahayd cudud siyaasadeed iyo mid ciidan oo ay shalaytaagan tahay.

Dadka taageera kooxda Xisbullah ayaa aad ixtiraami jiray wadaadkaan muddada hoggaanka u hayay.

Intii uu hogaaminayay Nasrallah, Xisbullah waxa ay gacan ka geysatay tababarida dagaalyahano ka tirsan kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ee Xamaas, iyo sidoo kale maleeshiyaadka Ciraaq iyo Yemen, waxa ayna Iran ka heshay gantaalo iyo hub culus oo ay u adeegsato Israa’iil.

Carruurnimadii iyo barbaaristii Xassan Nasrullah

Xasan Nasrallah waxa uu bishii Agoosto 1960 kii ku dhashay mid ka mid ah xaafadaha saboolka ah ee bariga Magalladda Beyruut. Aabihii waxa uu lahaa dukaan yar oo lagu iibiyo cuntada, Xasanna waxa uu ahaa canugiisa ugu weyn sagaal carruur ah oo uu dhalay.

Waxa uu ahaa shan sano jir markii dagaalka sokeeye ka biloowday dalka Lubnaan; kaas oo ahaa dagaal lagu hoobtay laguna qabsaday dalkan yar ee ku yaalla badda Mediterranean-ka.

Bilawga dagaalka ayaa sababay in Xasan Nasrullah aabbihiis uu go’aansado inuu ka tago Magaalladda Beyruut oo uu ku laabto tuulada awoowayaashiisa oo ku taal koonfurta Lubnaan: taas oo lagu magacaabo “Al-Bazuuriyeh” oo ah tuulo ay dagan yihiin dadka sheecada ah.

Halkaas ayuu Sheekh Xasan ku qaatay sannado muhiim ah iyo waxbarashadiisa hoose iyo dhexe.

Dadka shiicada ah ee ku noola koonfurta Lubnaan, waxay aaminsanaayeen in xiligii gumaysiga ee quwadaha waaweyn sida Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Faransiiska ay la kulmeen takoor iyo sinaan la’aan, Dareenkaasi waxa uu sii socday xilligii gobannimada markii ay awoodda heleen Kirishtaanka iyo Sunniga dalkasi.

Xasan Nasrullah markii uu ahaa 15 jir ah, waxa uu ka mid noqday kooxdii ugu muhiimsanayd Shiicada-militeriga Lubnaan ee wakhtigaas,oo la oran jiray Dhaqdhaqaaqa Amal oo saameyn weyn uu ku lahaa,waxaan ahyed koox firfircoon oo uu aasaasay wadaad reer Iiraani ah oo lagu magacaabo Musa al-Sadr.

Ku soo laabashada Lubnaan iyo Halgankii Hubaysnaa

Xasan Nasrallah wuxuu u haajiray magaalada Najafat oo ka tirsan dalka Ciraaq isagoo 16 jir ah.

Ciraaq xiligaas waxay ahayd waddan aan xasilloonayn oo soo maray labaatan sano oo kacdoono isxigxigayga ah, afgembi dhiig ku daatay, iyo dilal siyaasadeed. Muddadaas, in kasta oo Xasan al-Bakar uu weli si rasmi ah xukunka dalka Ciraaqa u hayo, haddana Saddam Xuseen oo ahaa madaxweyne ku xigeenkii Ciraaq wakhtigaas, waxa uu yeeshay saamayn weyn.

Labada sano ee uu joogay Xasan Nasrullah magaalada Najaf waxay saameyn weyn ku yeelatay nolashiisa wuxuu Najaf kula kulmay wadaad kala duwan.

Kacaankii iiraan iyo asaaskii “Xisbullah”

Sanad ka dib markii uu Xasan Nasrullah ku laabtay Lubnaan, waxaa Iran ka dhacay kacdoon.,waxaan xiligaas wixii ka danbeeyay isbadalay xiriirka ka dhexeeya Shiicada Lubnaan iyo Iran, nolosha siyaasadeed iyo halganka hubaanay ee Shiicada Lubnaan waxaa si weyn u saameeyay dhacdooyinkii Iran iyo fikradda Islaamnimada Shiicada kacaanka dalkaasi ka dhacay.

Sannadkii 1981-kii ayuu Nasrallah kula kulmay magaalada Tehran hogaamiyihii xilligaas ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Khumeyni waxa uu u magacaabay in uu noqdo wakiilkiisa Lubnaan.

Intaa ka dib, Sheekha Xasan Nasrallah waxa uu bilaabay in uu safaro marmar ah ku tago dalka Iran, isaga oo la samaystay xariiro Madxda ugu sareeysa dawladda Iran.

Intii ay Lubnaan ku jirtay dagaal sokeeye iyo qalalaasaha , waxay sidoo kale saldhig muhiim ah u noqatay dagaalyahannada Falastiiniyiinta. Waxay xoog ku lahaayeen koonfurta Lubnaan, marka laga reebo Mgaladda Beirut.

Xasilooni la’aanta sii kordhaysa ee ka jirtay Lubnaan ayaa sabatay in ,Israa’iil ay weerarto waddanka bishii Juun 1982,waxaan ay qabsatay qaybo ka tirsan Dalkaa, Israa’iil waxay sheegtay in weerarkaas uu jawaab u ahaa saldhigyada kooxaha Falastiiniyiinta dalkaasi ku lahyeen.

Sannadkii 1985-kii, Xisbullah waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday aasaaskeeda, Xassan Nasrallah iyo Cabaas musawi , oo ay weheliyaan qaar ka mid ah xubnaha kale ee dhaqdhaqaaqa Amal, ayaa ku biiray kooxdan cusub ee la aasaasay. Waxaa hogaaminayay nin kale oo la oran jiray Subxi al-Tufayli. Kooxdan ayaa si degdeg ah u samaysatay sumcadd siyaasadda gobolka ah , iyagoo qaaday tallaabooyin hubaanay oo ka dhan ah ciidamadii Maraykanka ee ku sugan Lubnaan.

Hoggaaniminta Xassan Nasrullah

Markii uu Nasrallah ku biiray kooxda Xisbullah, waxa uu jiray 22 sano oo keliya,

Bartamihii 80-meeyadii, ayuu mar kale Nasrallah wuxuu go’aansaday inuu u guuro magaalada Qom ee dalka Iraan si uu u sii wato waxbarashadiisa diinta. Mudadii uu ku sugnaa machadka Qom, Sheikh Xassan waxa uu noqday mid aad ugu xeel dheer luuqada Faarisga ee dalkaasi Iraan looga hadlo , waxa uuna la samaystay saaxiibo badan oo saameeyn siyaasadeed iyo miltari ku leh dalka Iran.

Markii uu ku laabtay Lubnaan waxa isla markiiba waxa dhashay khilaaf weyn oo u dhexeeya isaga iyo Cabbaas Muusawi oo ka tirsan hogaanka Xisbullah , Waqtigaas, Musaasawi wuxuu taageeray kordhinta dhaqdhaqaaqa Suuriya iyo saameynta Lubnaan ee hoggaanka Xaafid Assad. Taas bedelkeeda, Nasrallah wuxuu ku adkaystay in kooxdu ay diiradda saarto weerarrada ka dhanka ah askarta Mareykanka iyo Israa’iil.

Hoggaanka Xisbullah ee Lubnaan

Markii Israa’iil ay dishay Cabaas Musaawi oo hogaanka Xisbullah, wax ka yar hal sano kadib ayaa Xassan Nasrullah loo doortay xoghayaha guud ee Xisbullah, Isla sanadkaas 1992-kii, xilgaas wuxuu ahaa 32 sano jir, dad badan ayaa u arkayay doorashadiisa inay la xiriirto xiriirkiisa gaarka ah ee Iran.

Talaabooyinka muhiimka ah ee Xassan Nasrullah wakhtigan qaaday waxaa ka mid ahaa in Xisbullah helaan qaar ka mid ah xildhibaan Barlamaanka waxan waqtigaasi ay Lubnaan Sacuudiga ku guuleeystay nabad laga abuur dalka lubnaan ,Nasrallah waxa uu go’aansaday in uu ka dhigo Xisbullah koox siyaasadda oo ka jirta dalka laguna garab wado ciidanka.

Ka bixitaanka Israa’iil ee Lubnaan iyo soo shaacbixii Nasrullah

Sannadkii 2000, ayay Israa’iil waxay ku dhawaaqday inay gebi ahaanba ka baxayso Lubnaan, waxayna soo afjartay qabsashadii Israa’iil ee gobollada koonfureed ee dalkaas. Kooxda Xisbullah ayaa u dabaaldagtay arinta oo ay guul weyn ku tilmaantay ,waxaana amshalayguushaas loo aaneeyay Nasrullah.

Ka bixitaanka Israa’iil ee Koonfurta Lubnaan waxaa ay ahyed markii ugu horeysay ee Israa’iil ay ka baxdo dhul waddan Carbeed iyada oo aan la helin heshiis nabadeed, dad badan oo Carab ah oo gobolka ah ayaa u arkayay guul muhiim ah.

Dilkii Rafic Xariir iyo ka bixitaanka Suuriya

Sanadkii 2005-tii, ka dib dilkii Rafic xariir oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii Lubnaan ee xilligaas, ra’yul caamka dadka reer Lumnaan waxaa ay u arkayeen in uu ahaa siyaasi muhiim ah oo xariir dhaw lalahaa Sacuudiga, kaasoo dadaal badan u galay sidii looga hortagi lahaa kororka awoodda Xisbullah.

Dailkii Xariiri kadib Kooxada ayaa wajahday Caro dadwayne Waxaan lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen dilka Xariiri,waxaan dhacay bananbaxyo waaweyn oo looga soo horjeeday.

Si kastaba ha ahaatee, markii doorashadii baarlamaanka ee dalkaasi la qabtay isla sanadkaas, kaliya ma kordhin codka Hezbollah, laakiin kooxdu waxay sidoo kale ku guulaysatay inay laba ka mid ah xubnaheeda u darto xukuumadda oo loo magacaabo labo wasaaradood.

2006, dagaalyahannada Xisbullah waxay galeen Israa’iil, iyagoo dilay hal askari, waxayna qafaasheen laba askari. Jawaabta Israa’iil waxay ahayd weerar xooggan oo socday 33 maalmood, kaas oo lagu dilay ku dhawaad 1,200 oo reer Lubnaani ah.

Dagaalkaasi kadib waxaa kor u kac uu yimid in magaca kooxada iyo hogaamiyahooda uu gaaro meel sare waxaan wadamadda Carabta llooga aqoonsaday in uu yahay qofkii ugu dambeeyay ee iska caabiya Israa’iil.

Dhammaadkii dagaalka, Xisbullah weli way diiday inay hubka dhigto, Intaa waxaa dheer, kooxdani waxay door muhiim ah ka ciyaartay dib u dhiska burburkii uu ka tagay dagaalku