Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Sida Waddani iyo Kaah u Diiddan Yihiin Ansixinta Gobolnimada Gabilay

0
75

 

“Qadiyadda gobolnimada Gabilay maaha in arrin siyaasiya laga dhigo waayo? Xaqbay u leedahay.”wasiir Kaahin

 

Khadar.M.Dhako.

 

Hargeysa( Dawan):-Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye,ahna wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in ansixinta Gobolka Gabilay ay diiddan yihiin Xildhibaanada Xisbiga Waddani iyo ururka Kaah.

 

 

Maxamed Kaahin Axmed ayaa  intaa ku daray in aanay ahayn in qadiyad siyaasiya laga dhigo Gobolka Gabilay,madaamada gobalnimada ay xaq u leedahay.

 

 

Maxamed Kaahin Axmed  oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Ansixinta Gabiley in qadiyad siyaasiya laga dhigo maaha waayo xaqbay u leedahay,waxa  markhaati ma doona Musharaxa Xisbiga Waddani oo doonaya in uu cod ka helo gobalka Gabilay,ayaa waxa uu leeyahay gabilay waxa aan keenayaa marka aad  80 cod  i siisaan waa wax ceeb ku ah  siyaasada.gobalka Gabilay sharciyadii Baarlamaanka ayaanu marinay waxaana ay ahayd in Baarlamaanka ansixiyaan.maxaa keenay Xildhibaanadii Xisbiga Waddani iyo ururka Kaah in ay diidaan Gobalanimada Gabilay,”.

 

 

Sidoo kale Maxamed Kaahin ayaa waxa uu tilmaamay in Xisbiga UCID uu ka aaminsanyahay qaranimada inta Kulmiye k aaminsanyahay.Waxaanu yidhi”Xisbiga UCID qaranimada inta aanu ka aaminsanahay ayuu ka aaminsanyahay, idiinma sina labada Musharax qarankana uma sina ninka Siilaanyo wax ka qorayay waxaanu garanayn.Siyaasadda  marbuu si khaldan daaqada uga soo galay.Kulmiye Gabilay waxa isku keenay halgankii bini aadamka haddii uu taariikhdiisa ilaashan waayo macno malaha,”