Carruuur Gaadhaysa 40 oo ku Dhintay Webi ay Hinduugu ka Barakaystaan

0
23

Ugu yaraan 46 qof – oo ay ku jiraan 37 carruur ah iyo toddobo dumar ah – ayaa ku qaraqmay iyaga oo u dabbaaldegaya dabbaaldegyo diimeed oo Hinduuga bariga Hindiya, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Dhimashada ayaa laga xaqiijiyay 15 degmo 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Mas’uul ka tirsan maamulka masiibooyinka ayaa sheegay in dhibanayaasha ay dhinteen xilli ay si caadi ah ugu maydhanayeen wabiyada iyo balliyada laga barakaysto oo ay buuxiyeen fatahaadii dhawaan dhacay.

Bandhiga xuska Jivitputrika oo sanad walba lagu xuso wanaagga carruurta ayaa socon doona saddex maalmood iyada oo loo asteeyay in hooyooyinku ay u soomaan.

Saraakiisha Bihar ayaa sheegay in dad badan ay iska indhatireen heerka biyaha halista ah ee webiyada xilli ay u dabaaldegaan xafladda oo ay webiga iska galeen.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in tirada guud ee dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in qoysaska iyo qaraabada dhibanayaasha ay heli doonaan magdhow.

Shilal dilaa ah ayaa hore uga dhacay gudaha Hindiya inta lagu guda jiro xafladaha waaweyn markaas oo dadweyne aad u badan ay isugu soo baxeen meelo cidhiidhi ah oo aan u hoggaansamin tallaabooyinka badbaadada.

Bishii July, ugu yaraan 121 qof ayaa lagu dilay isku dhac ka dhacay kulan diimeed oo ku yaal waqooyiga gobolka Uttar Pradesh.

Sanadkii 2018, ku dhawaad ​​60 qof ayaa dhintay ka dib markii tareen uu jiidhay dad daawanayay dabaaldega Dusshera, oo ah xaflad Hinduuga ah.