Maroodiyo loo Qalayo Dadka Abaaruhu Saameeyeen ee Zimbabwe iyo Namibia

0
23

Dalalka Zimbabwe iyo Namibia ayaa ku dhawaaqay qorshe ay ku gowracayaan boqollaal maroodiyaal duur joog ah iyo xayawaano kale si ay u quudiyaan dadka gaajaysan ee ay abaaruhu saameeyeen iyada oo wadamadaas ay ka jiraan xaalado abaareed oo ba’an oo ka jira dalalka koonfurta Afrika.

Zimbabwe ayaa Isniintii sheegtay inay ogolaan doonto dilka 200 oo maroodi si hilibkooda loogu qaybiyo bulshooyinka tabaalaysan, halka Namibia ay iyaduna sheegtay gowrici doonto in ka badan 700 oo xayawaan ah – oo ay ku jiraan 83 maroodi – taas oo qayb ka ah qorshe lagu dhawaaqay saddex toddobaad ka hor.

Tinashe Farawo, oo ah afhayeenka maamulka seerayaasha qaranka Zimbabwe iyo maamulka duurjoogta, ayaa sheegay in la siin doono ogolaansho bulshooyinka tabaalaysan si ay ugaadhsadaan maroodiga iyo in hay’adda Seerayaashu ay sidoo kale dili doonto qayb ka mid ah qoondada guud ee 200 oo neef.

“Waxaan bilaabi doonaa shaqada gowraca isla marka aanu dhammaystiro bixinta ruqsadaha ay dadku ku ugaadhsan karaan,” ayuu yidhi Farawo.

Maroodiyada la qalo hilibkooda ayaa laga qaadi doonaa meel ay ku nooli yihiin dadka ugu daran, ayuu yidhi Farawo. Ugaadhsigan ayaa ka dhici doona degaano ay ka mid tahay Hwange National Park oo ku taal galbeedka dalka oo Oomane ah halkaas oo uu ka jiro tartanka u dhexeeya dadka iyo duur-joogta oo ku saabsan cuntada iyo biyaha iyada oo heerkulka sareeyaa uu ka dhigayo in kheyraadku aad u yaraado.

Xayawaankan la dilayo ayaa lagu doonayaa in lagu yareeyo tirada xayawaanka gaar ahaan Maroodiga iyo duur-joogta kale. Dalalka  Botswana, Zimbabwe iyo Namibia waxay ka mid yihiin dalalka Afrika ugu Maroodiga iyo duur-joogta kale waxaana haatan dhibaato ka taagan tahay deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah oo aan ku filayn dadka iyo xayawaanka.

Hwange waxa uu leeyahay in ka badan 45,000 oo maroodi ah , laakiin hadda waxa uu awood u leeyahay in ay ku noolaadaan 15,000 oo keliya, ayuu yidhi Farawo. Tirada guud ee Maroodiyada dalka oo dhan waa 100,000 oo maroodi taas oo laban-laab ka ah seerayaasha qaranka ee dalka, sida ay sheegeen saraakiisha seerayaasha.

Xaaladda cimilada El Niño ayaa xaaladda uga sii dartay, iyada oo hay’adda beeraha nasashada ay hore sheegtay in in ka badan 100 maroodi ay u dhinteen abaarta. Xoolo badan ayaa haraad iyo gaajo u dhiman kara toddobaadyada soo socda iyada oo dalku galayo xilliga ugu kulul ee sanadka, ayuu yidhi Farawo.

Wasiirka deegaanka ee Zimbabwe Sithembiso Nyoni ayaa baarlamaanka u sheegtay todobaadkii hore in ay fasaxday barnaamijkan.

“Runtii Zimbabwe waxay leedahay maroodi ka badan inta aan u baahan nahay, oo ka badan oo inta kayntayadu ay qaadi karto,” ayuu yidhi Nyoni.

Waxay sheegtay in dawladdu ay isu diyaarinaysay “inay samayso sida Namibia ay samaysay oo aan u gaowracno maroodiga isla markaana aan u abaabulno haweenka si ay u qalajiyaan hilibka, u kaydiyaan oo aan hubinno in ay gaadhaan bulshooyinka qaarkood ee u baahan borotiinka.”

Dowladda Namibia ayaa bishii hore ogolaatay in la soo xidho 723 xayawaan oo ay ku jiraan 83 maroodi, 30 Jeerta webiga ah, 60 Lo’dibadeed ah, 50 Deerooyin ah, 300 Dameer Farow ah iyo 100 Goodir ah iyo kuwo kale.

Xayawaankan ayaa laga kala keenay shan ka mid ah seerayaasha qaranka ee Namibia, halkaas oo ay sidoo kale la doonayo in hoos loo dhigo tirada xayawaanada duur-joogta ah iyada oo ay jiraan iskahorimaadyo u dhexeeya dadka iyo duurjoogta.

“Tani waa lagama maarmaan waxayna waafaqsan tahay waajibaadkeena dastuuriga ah halkaas oo kheyraadkeena dabiiciga ah loogu isticmaalo faa’iidada muwaadiniinta Namibia,” afhayeenka waaxda deegaanka Romeo Muyunda ayaa yidhi. “Tani sidoo kale waa tusaale weyn in ilaalinta ugaadha ay runtii faa’iido leedahay.”

Dalka Botswana oo u dhexeeya Zimbabwe iyo Namibia ayaa waxa ku nool Maroodiga ugu badan ee dunida oo dhan 130,000 oo maroodi ah, balse si ka duwan labada dal ee jaarka ah, kamay hadal in ay gowracdo maroodigeeda si ay u quudiso dadkeeda.

Guyo Roba, oo ah khabiir ku takhasusay haqab-beelka cuntada iyo beeraha kana tirsan hay’adda cilmi-nafsiga deegaanka ee fadhigeedu yahay Kenya ee Jameel Observatory, ayaa sheegay in tallaabooyinka dawladda ee Zimbabwe iyo Namibia ay yihiin kuwo la fahmi karo marka loo eego baaxadda abaarta iyo xaaladda xoolahooda . “Waxay ka shaqeynayaan tirada duur-joogtooda oo ka sarraysa awooddooda,” Roba ayuu yidhi.

“Arrintani waxay u eekaan kartaa mid muran ka dhalan karo, laakiin dawladaha u yaal laba waajib oo kala ah waajibaadkooda heer caalami marka la eego ilaalinta duur-joogta iyo taageerada dadweynaha baahan,” Roba ayaa yidhi.