Madaxweynaha JSL oo Cafiyay 413 Maxbuus

0
50

Madaxweynaha Somaliland oo waxa uu cafiyay Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman

 

 

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay waxa uu wareegto madaxweyne uu cafis guud ugu fidiyey Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman eek u xidhan xabsiyada kala duwan ee dalka Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu cafiska guud u fidiyay maxaabiis tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus. Iyada oo wareegtada cafiskaas lagu sheegay in aanu saamayn ku yeelan doonin xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen.

Wareegtada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu cafiska guud ugu fidiyay maxaabiista oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Dawan, waxay u dhignayd Sidan:- “Markaan Arkay: Qodobka 90aad Faqraddiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qoraalka Taliska Guud ee Ciidanka Asluubta ee summaddiisu tahay TCA/G-1/09/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024, ujeeddadiisuna tahay Soo-gudbin Liisaska Maxaabiista Cafiska galaya Sannadkan 2024-ka;

Markaan Arkay: Soo-jeedinta Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ee summaddiisu tahay XIG/JSL/02/2024, kuna taariikhaysan 07/01/2024;

Markaan La-tashaday:     Hay’adaha ay khusayso;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan Cafis Guud u fidiyo Maxaabiista dembiyada fudud ku xukuman ee xabsiyada dalka ku xidhan, oo tiradoodu dhan tahay 413 (Afar Boqol, Saddex iyo Toban) maxbuus. Cafiskani saamayn kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raadka ciqaabeed ee ka dhalanaya dembiyadda ay ku xukunnaayeen. Waxa cafiskan fulinaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, iyada oo la raacayo liiska Maxaabiista.”