Madaxweynaha oo Sifeeyey Shakhsiyadda Xeer Ilaaliyihii Hore ee Qaranka oo Geeriyooday

0
32

Hargeysa- Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay aas qaran oo shalay loo sameeyey marxuum Xasan Axmed Aadan oo ahaa xeer ilaaliyihii guud ee hore, isla markaana dhawaan ku geeriyooday dalka UK.

Aaska qaran ee shalay loo sameeyey marxuum Xasan Axmed Aadan ayey ka qayb-galeen kumanaan ka tirsan shacabka iyo madaxda goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo la xidhiidha taariikhdii marxuumka, waxtarkiisii iyo doorkii uu ku lahaa dib-u-dhiska qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, waxaana uu geeridiisa ka tacsiyadeeyey ehelka, qaraabada, qoyska iyo guud ahaanba qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu ku dheeraaday aqoonta durugsan ee uu u lahaa marxuum Xasan Axmed Aadan, waxaana uu ka marag-kacay dedaalkiisii iyo hal-adaygii uu caanka ku ahaa, waxaana uu yidhi, “ Xasan waxan bartay 1993 kii waxa uu ahaa nin adag , waxaanu aas aasay waxa ay ku shaqayeen wasaaraddaha iyo ciidanku , wuxuna ALLE siiyey awood badan isaga oo shaqo qaran haya ayuu xaqii u yimid”