Wasaaradda Caafimaadka JSL oo Sheegtay In Madaxwaynaha Somaliland uu Dhisay Xarumihii Caafimaad ee Ugu Badnaa Intii uu Dalku Dhisnaa

0
34

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Gabiley (Dawan) Wasiir ku xigeenka wasaaradda horumarinta caafimaadka Jamhuuriyadda Somalkland Liibaan Yuusuf Cismaan oo ka qayb galay daahfurka xarunta Hooyada iyo dhalaanka ee deegaanka Hadhley ee gobolka Gabiley ayaa sheegay in tan iyo markii la aasaasay wasaaradda caafimaadka Somailand dhismayaasha Cisbitaalada iyo xarumaha Hooyada iyo dhalaanka ee la dhisayay uu ka badan yahay inta uu dhisay madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi intii uu joogay, kana wax qabad badan yahay dhinaca caafimaadka dhamaan xukuumadihii hore ee dalka soo maray waxaanu yidhi

Sidii Agaasimaha guud sheegay wasaaradda caafimaadku dalka intii uu dhisnaa 1993-kii maalintii wasaaradda caafimaadka la aasaasay iyo maalintii Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland la doortay ee 2017-ka dabayaaqadiisii, intii Cisbitaal iyo xarun caafimaad la dhisay iyo intii madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhisay 2018-kii ilaa maanta waxa badan inta madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland dhisay”.

Dhinaca kale wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa ku amaanay bulshada gobolka Gabiley suda wanaagsan ee ay isku abaabulaan ugana shaqeeyaan arrimaha iskaa wax u qabsada lagu dhiso danta guud waxaanu yidhi

“Runtii dadka reer Gabiley, anigu Qurbahana aad baan u tagaa, waa dad aad iyo aad u abaabulan mar walba, meesha aad ugu ragtoba dad reer Somaliland dadka ugu abaabulka fiican bay ka mid yihiin, halkan aad baan ugu mahadcelinyaan Qurba joogta reer Gabiley, dad reer Somaliland ee Qurbaha joogaana inay ku daydaan ayaa ku boorinyaa”.