Dhismaha Safaaradda Cusub oo Somaliland ku Yeelanayso Itoobiya oo Laga Dhagax Dhigay Addis Ababa

0
30

 

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Addis Abbaba (Dawan) Wasiirka Wasaarada Arrimaha dibada iyo iskaashiga Caalamiga Ah ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay dawlada Somaliland ku yeelan doonto magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Dhulkaasi oo ay dawlada Itoobiya ugu deeqday markii ugu horeysay dawlada Somaliland, ayaa waxa laga dhisi doonaa xarunta Safaarada Somaliland ee dalka Itoobiya, taasi oo imika ku jirta dhisme kiro ah.

Wasiirka arrimaha dibeda Siomaliland ayaa waxa ku wehelinayay dhagax dhigan Ambasatorka Somaliland u qaabilsan Midawga Afrika EU Ambasator Abdilahi Maxamed Ducale iyo Wakiilla Somaliland u qaabilsan xafiiska ganacsiga ee Safaaradu ku leedahay magaalada Addis Ababa Yusuf Axmed Cali.

Safaarada Somaliland oo hore dhisme kiro ah ugu jirtay ayaa tani waxay noqonaysaa markii ugu horeysay ee ay yeelato dhul ay leedahay Safaaradu.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland oo ka hadlay dhagax dhiga dhismahan Ayaan sheegay inay lagama maarmaan tahay in si dhakhsa ah loo dhiso dhismaha Safaarada iyo meelihii kale ee la degayay, waxaanu xusay inuu aad ugu faraxsan yahay in Itoobiya ay Somaliland ugu deeqdo dhul ay dhistaan, waxanu tilmaamay inay muhiim tahay in Somaliland ay Itoobiya siiyaan dhul ay dhistaan sidan oo kale waxaanu yidhi

“ Dhulkan la ina siiyay oo aynu in muddo ah ba haysanay, Safiiradi kala danbeeyay mar hore ay aan halkan imi, waa daw in aynu dhisano halkan dhul aynu leenahay uu noqdo oo markaa aad timaado Somalialnd baad joogtaa, innagana sidaasi oo kale iyagana aynu siino dhul ay leeyihiin oo Safaarad ka samaystaan.

Markaa aad bay iigu tahay farxad aad baad u mahadsan tihiin, sida wanaagsan ee aad uga sii shaqayseen maanta ina aynu dhaxa dhigno, waxan filayaa inay noqon doonto bilawgii, dar dar galinta meeshan in aynu dhisano oo aynu si dhakhso ah u dhisno Safaaradeenii iyo waliba meeshii la dagayay iyo wax wal oo dadkeenu mar ay yimaadaan ay ku soo hagaagi lahaayeen.