Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL oo Tababar u Furay Dad Tababari Doona Lix kun oo Qof

0
39

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL ayaa shalay Tababar u furay 160 Tababarre (TOT) kuwaas oo sii Tababarri doona shaqaalaha goobaha Doorashada. Guddida doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maalmihii u danbeeyay waday dadaalo iyo hawlo ay ugu gogol-xaadhayaan qabsoomida doorashooyinka isa-saaraan ee la filayo iinay qabsoomaay 13-ka December.

Sidoo kale waxa ay Komishanku ku wargeliyeen dhallinyaradii tababarka la siinayay in ay sii tababari doonaan lix kun oo qof, waxaaney xuseen in ujeedada la isugu keenay ay tahay sidii ay kuwa kale u sii tababari lahaayeen.

Komishaner Axmed ayaa dhallinyaradii tababarka la siinayay kula dardaarmay inay weeleeyaan aqoonta iyo khibrada ay baranayaan mudada tababarkani u socdo, waxa uu xusay in 160-kan arday ay ku soo baxeen imtixaan, isla markaana ay ku yimaadeen xulasho.

Waxaanu yidhi. “Boqol iyo lixdankiina qof waxaad tihiin dad aanu soo xuley oo imtixaan ku guuleystay, iyo kuwa aanu hore ugu qanacney shaqo wanaageeda, waxaanu rajeynayna marka doorka danbe shaqadu inoo soo noqoto in 160-kiinaasi wax ka beddela, waa in la yidhaahdo 160-kaba inoogu yeedha waaka liiskoodu halkaasi yaale shaqada aad qaban doontaan sida la sheegay, meelo kala duwan iyo jaamacado kala duwan ayaa la idiin diri doona, tababaro ayaad bixin doontaan. Mudada saddexda cisho wixii la idin baro waa inaad weeleysaan, macalinkana aad su’aasha ku badisaan,”