Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida oo kulan la Qaatay Sarrifleyaasha Somaliland

0
38

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Guddida joogtada iyo guddida dhaqaalaha ee golaha guurtida Somaliland, ayaa saaka u yeedhay ururka sariflayaasha Somaliland ee WADA-JIR, waxaaney ka dhageysteen warbixin la xidhiidha xaalada sarif-bararka sii xoogeystay ee maalinba, maalinta ka danbaysa cirka isku sii shareeraya.

Xildhibaan Ibraahim Cawil ayaa masuuliyiinta ururka sariflayaasha ku soo dhaweeyay xarunta golaha guurtida isla markaana furay kulanka, waxaanu sheegay in ururka sariflayaasha ay ugu yeedheen si ay wax uga weydiiyaan sarif-bararka xadhkaha goostay ee saameynta togan ku yeeshay noloshii bulshadii iyo sidii ay wax uga weydiin lahaayeen wixii ay u arkaan xalka.

Guddoomiyaha ururka sariflayaasha Somaliland Mudane Abokor Cabdi Cawaale , guddoomiyaha sariflayaasha bariga Somaliland Mudane Jamaal Maxamed Cali (Xasiliye) Guddoomiyaha ururka sariflayaasha ee Hargeysa Siciid Cabdi Sugaal, ayaa golaha warbixin ka siiyay xaalada dhaqaale iyo sarif bararka sii xoogeysanaya ee nolosha bulshada saameyay, waxaaney sheegeen in sarif-bararka dalka ka jira ay sabab u yihiin in ilihi dalka doolarku ka soo geli jiray ay yaraadeen, sida xoolaha nooll, hay’addaha mashaariicda bixiya, dhaq-dhaqaaqi ganacsi ee dekada oo yaraaday iyo dagaalkii Laascaanood.

Guddoomiyaha sariflayaasha bariga Somaliland Mudane Jamaal Maxamed Cali (Xasiliye) ayaa madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha baanka Mudane Cali Cabdillaahi Daahir ku ammaanay sida ay u xakameeyeen sarif-bararka, waxaanu bulshada ku booriyay inay shilinkooda aamininaan oo lacagtooda macno u yeelaan.

Gaba-gabadii mid mid ayay ugu jawaabeen su’aalihii ay weydiiyeen mudaneyaasha guddiyada joogtada iyo dhaqaalaha ee golaha guurtida Somaliland, waxaaney sheegeen inay ku hawlan yihiin sidii ay xal ugu helilahaayeen xaalada sarif-barar ee dalka iyo dadka ragaadisay.