Dagaalka Ukraine iyo Russia oo gaadhay Afrika

0
24

Ukraine ayaa beenisay eedeymaha ah in ay diyaarado aan duuliye lahayn siisay fallaagada dagaalka kula jirta ciidamada Mali iyo calooshood u shaqeystayaal uu Ruushka taageero.

Waxay timid ka dib markii wargeyska Le Monde ee fadhigiisu yahay magaalada Paris uu sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay taageero siinayeen fallaagada Tuareg “kuwaas oo ka faa’iidaysanaya taageero aan la shaacin, Kyiv ka timi”.

Dowladda Mali oo ay hogaamiso militariga Mali ayaa soo afjartay isbaheysigii mudada dheer soo jiray ee ay la gashay gumeystihii hore ee Faransiiska sanadkii 2022-kii iyaga oo hiil u raadsaday Ruushka si ay wax uga qabtaan kacdoonka ka socda waqooyiga dalkaasi.

Laakiin ma aanay awoodin in ay damiso hawlgalada falaagada oo dhawaan waxaa soo gaadhay khasaare xooggan , iyada oo ay barbar socdaan xulafada Ruushka.

Mali iyo dalalka deriska la ah ee Niger iyo Burkina Faso, oo ay sidoo kale mas’uul ka yihiin militariga, ayaa tan iyo markii Kyiv ku eedeeyay inay taageerto argagixisada gobolka Sahel, ka dib markii sarkaal ka tirsan Ukraine uu sheegay horaantii sanadkan in waddanku uu taageero u fidiyay fallaagada.

Laakiin Isniintii, wasaaradda arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in waddanku “ay si adag u diidayo eedaymaha ay dhawaan sii daayeen warbaahinta caalamiga ah ee ku saabsan ku lug lahaanshaha la sheegay in dawladdeennu ku leedahay sahayda UAV-ga  ama gaadiidka aan duuliyaha lahayn ee fallaagada. Mali”.

Waxa ay sidoo kale beenisay eedeymaha madaxda Mali iyo Niger ee ku aadan in Ukraine ay hubeyneyso, ayna bixiso macluumaad iyo in ay “taageerada siiso isbaheysiga argagixisada”.

Waxay ku baaqday in la joojiyo “fidinta macluumaadka beenta ah ee soo noqnoqda sheekooyinka been abuurka ah ee dawladda gardarada ah ee dacaayadda Ruushka”.

Dabayaaqadii bishii Luulyo, ugu yaraan 84 dagaalyahan oo uu Ruushku taageero iyo 47 askari oo Mali ah ayaa la sheegay in la dilay ka dib iska horimaad maalmo socday oo ay la galeen fallaagada gooni-goosadka Tuareg iyo dagaalyahannada xidhiidhka la leh al-Qaacida ee Tinzaouten, ee waqooyiga Mali.

Waxaa loo arkayay guuldaradii ugu cusleyd abid ee Afrika soo gaadho kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner, oo tan iyo markii loo bixiyay Corps Africa.