Daraasad: Sahamiyihii Columbus ma Isbaanish ayuu ahaa mise Yuhuudi?

0
26

 

Sahamiyaha caanka ah ee Christopher Columbus wuxuu u dhow yahay in uu mid uun ahaa ama Yuhuudi, marka loo eego cilmi-baadhis cusub oo hidde-raac ah oo ay sameeyeen saynisyahano Isbaanish ah taas oo ujeeddadeedu tahay inay iftiimiso sirta qarsoon eek u duugan halka uu ka soo jeedo sahamiyahani.

Saynis yahanadu waxay rumaysan yihiin in sahamiyahan oo socdaalkiisii ​​uu ku maray badweynta Atlaantigga sanadkii 1492 uu bedelay habka taariikhda aduunka, uu ku dhashay galbeedka Yurub, lagana yaabo inuu ku dhashay magaalada Valencia.

Waxay u malaynayaan inuu qariyey dhalashadiisa Yuhuudda, markii uu qaatay diinta Katooliga, si uu uga baxsado cadaadis diimeed.

Daraasadda baadhitaanka DNA-da waxay ka hor imanaysaa aragtida dhaqameed hore, oo taariikhyahanno badan ay su’aal ka keeneen, in uu sahamiyehani uu ahaa Talyaani ka yimid magaalada Genoa.

Columbus waxa uu hogaaminayey duullaan ay taageerayeen Boqortooyadii Katooliga ee Isbayn oo doonayay in la sameeyo waddo cusub oo Aasiya loo maro – laakiin taa beddelkeeda waxa uu gaadhay Kariibiyaanka oo Latin Amerika ah.

Imaatinkiisii ​​halkaas waxa ay bilow u ahaa xilli ay reer Yurub xidhiidh la lahaayeen Ameerika, taas oo horsed u noqon karta in la qabsado dhulkaas dadna la dejiyo iyada oo wakhtigaa malaayiin dad ah oo asal ah ay u dhinteenn cudurro iyo dagaal.

Dalalku waxay sannado badan ku muransanaayeen halka uu sahamiyaha ka yimid, iyada oo qaar badan ay ku andacoonayaan inuu iyaga u dhashay.

Waxaa jiray qiyaastii 25 aragtiyo iska soo horjeeda oo ku saabsan meesha uu ku dhashay, oo ay ku jiraan Poland, Great Britain, Greece, Portugal, Hungary iyo Scandinavian.

Natiijooyinkan cusub waxay ku saleysan yihiin in ka badan labaatan sano oo cilmi baadhis ah.

Daraasadu waxay bilaabatay 2003, markii José Antonio Lorente, oo ah borofisar ku takhasusay raad-raaca hadhaadiga ee Jaamacadda Granada, iyo taariikhyahanka  Marcial Castro, ay soo saareen waxa la rumaysan yahay inay yihiin hadhaagii maydkii Columbus Kiniisada Seville Cathedral ee Spain.

Columbus wuxuu ku dhintay magaalada Valladolid ee Isbaanishka 1506 laakiin wuxuu rabay in lagu aaso jasiiradda Caribbean ee Hispaniola. Maydkiisii ​​ayaa la qaaday 1542, laakiin qarniyo ka dib waxaa loo wareejiyay Cuba ka hor inta aan ugu dambeyntii la dhigin Seville.

Cilmi-baadhayaashu waxay sidoo kale ka qaadeen DNA-da xabaasha, iyo lafaha wiilka Columbus, Hernando, iyo walaalkii Diego.

Wixii markaas ka dambeeyay saynis yahannadu waxay isbarbar dhigeen xogtaas hidde-raaca ah iyo tan tirooyinka taariikhiga ah iyo qaraabada sahamiyaha si ay isugu dayaan oo ay u xalliyaan sirta.

Aragtida hore loo aqbalay waxay ahayd in Columbus uu ku dhashay Genoa 1451, oo uu ka soo jeedo qoys dhogorta la wershadeeyo.

Laakiin hadda waxay rumaysan yihiin inuu ku noolaa Spain – laga yaabo inuu ku noolaa Valencia – oo uu ahaa Yuhuudi. Waxay u maleynayaan inuu qariyay taariikhdiisa si uu uga fogaado cadaadis.

Qiyaastii 300,000 oo Yuhuud ah ayaa ku noolaa Spain, ka hor inta aan iyaga iyo Muslimiinta lagu amrin inay qaataan diinta Katooliga ama ka baxaan waddanka 1492, sannadkii Columbus ka degay Ameerika.

Daraasadii Professor Lorente oo loo bixiyey dukumentiga Columbus DNA Isaga oo kaga dhawaaqaya telefishinka kuna soo bandhigay asalkiisa runta ah, Professor Lorente waxa uu sheegay in ay ahaayeen “ku dhawaad ​​xaqiiqo laysku halayn karo”.

Barnaamijkan oo ka baxay TV-ga qaranka Spain ee RTVE dhowaan – ayaa ku soo beegantay maalinta qaranka Spain. Maalinta ayaa u dabaaldageysa imaatinka sahamiyaha ee Ameerika.