Dawlad iyo Shacab ba Waa in aynu Gacmaha Isugu Gayno Nabadda

0
40

“Ololaha aynu ku jirno waxyaabo fara badan oo sharciga,  diintana iyo akhlaaqdaba ku gef ah ayaa ka socda..” Madaxweynaha Somaliland

 Qore Khaddar Cabdi Muuse

Hargaysa (Dawan): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aan marnaba la ilaawi karin halgankii naf hurnimada ahaa ee ay xoraynta dalka u soo galeen halgameyaashii iyo halyayadii ururkii SNM ee dib u xoraynta dalka ku soo shahiiday.

Waxaanu madaxweynuhu wax laga xumaado ku tilmaamay in dad wax ma garato ahi ay maalin walba hadalo digasho iyo meel ka dhac ku ah halgameyaashii SNM ay jeediyaan, kuwaas oo ku gefaya xuquuqdii ay inaga mudnaayeen mujaahidiintii SNM.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo khudbad ka jeediyay munaasibad lagu dhagax dhigayay dhismaha Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland uu yeelan doono oo laga dhagax dhigay caasimadda Hargaysa, ayaa khubadiisa kaga hadlay arrimo kala duwan oo ay ka mid yihiin doorashadda, tartanka doorashadda loogu jiro, ilaalinta nabad-geliyadda, iyo qarannimadda Somaliland iyo arrimo kale.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn waxa uu ka hadlay heerarkii kala duwanaa ee loo soo maray qarannimadda Jamhuuriyadda Somaliland, halka ay maanta taagan tahay, iyo waajibaadka inaga wada saaran ilaalinta iyo difaaca qaranimadeena iyo dalkeena.

Muuse Biixi Cabdi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaynu halkaa ku gaadhnay waa wada jir iyo yoolkeena oo midaysan. Baananka aynu dhagax dhignay, waxaa ka mudan oo uu maanta qaranka xusayaa 17-kii bisha October, sanadkii 1986-kii, oo ah dagaalkii uu ku dhintay Lixle, oo ka mid ahaa aasaaseyaashii SNM. Raggii tirada yaraa, ee maalintaa dagaalkii SNM bilaabay hamigii ay lahaayeen iyo u jeedadii ay naftoodda u hureen, ayaynu maanta ku dhisnay qarankaa dhan ee taagan, ee aynu u bogayno.

Waxaana inagu waajib ah in aynu iyaga u abaal celino, oo aynu xejino, arrinkii ay u dhinteen oo ahaa qaranka Somaliland oo adduunka ka mid ah, oo madax banaan oo xoriyadiisii lixdankii la soo noqday. Wanaagaa aynu maanta haysano waxaynu ku sii hayn karaynaa, oo aynu ku horumarin karaynaa nabadda in aynu ku faro adaygno”.

Wuxuu sheegay madaxweyne Biixi, in nabad geliyadu ay leedahay in laga ilaaliyo laba cadaw oo kala duwan, isla markaana ay dawlad walba oo jirtaana gacmaha isugu gayso ilaalinta nabadda.

Waxaanu madaxweynuhu sharaxay noocyadda ay u kala baxaan cadawyadda kala gedisan ee  loo soo addeegsan karo bur-burinta qarannimadda Somaliland, isagoona xusay in ay lagama maar maan tahay sidii dhamaanba noocyadaasi cadawga qaranka ah meel looga soo wada jeedsan lahaa.

Isagoo arrimahaa ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mar walba dawladda joogtaa waxa ay gacmaha isugu gaysaa waa nabada. Waxaanan rejaynayaa in aynu dhamaanteenba shicib iyo dawladba, gacmaha isugu gayno nabadda. Nabadu mar walba waxay leedahay laba cadaw, cadaw waa ka dibadda kaaga soo duulaya ee neceb jiritaankaaga, ee neceb horumarkaaga, iyo madax banaanidaada.

Kaa waa in aynu u midawnaa, oo aanu shaki inaga dhex gelin. Cadawga labaad waa ka lagagu soo dhex tuuro, ama taladu ka xumaato, ee dhexdeena ka abuura xaalad ay nabad geliyadeenu khal-khal ku geli karto.  Saddex ra’yi ayaa keeni karta in nabad geliyadda dhexdeena ah la weeraro, midi waa doqoniimo, qof caqli gaaban oo wax yar ka fikiraya, oo aan arkaynin waxa danta guud ah.

Midna waa nin cadawgu soo addeegsado oo kula mid ah, oo aanad garanaynin. Laakiin, fikrada qaranka Somaliland diidan, kula mid ah oo kula aqoon ah, oo hadduu doono kaa aqoon badan, oo kaa khibrad badan, oo kalba si iskugu deyaya in ay qarannimadu khal-khal gasho.

Midna waa nin damac siyaasadeed leh, oo kaa hore ka duwan, oo wax walba ay kala weyn tahay inuu isagu kursiga gaadho. Saddexdaaba waano iyo duco ayaynu isugu daraynaa, oo waxaan leeyahay marka hore wixii aynu dastuurka ku qoranay ee inoo wada danta ah aynu wada dhawrno.

Waxaana ka mid ah in difaaca qaranka Somaliland loo wada siman yahay, in dalka la wada leeyahay, in muwaadinka isaguna uu xuquuq ku leeyahay dalkiisa, iyo in isagana waajibaad uu dalkiisu ku leeyahay. Taasian dastuurka ayay inoogu qoran tahay, isaga ayaana ina mideeya”.

Waxaanu intaas raaciyay, “Waxa kale oo jira qodobo lama taabtaan ah, waxaana ka mid ah qaranka Somaliland ka noqoshadiisu waa lama taabtaan. Waxaa ka mid ah diinta Islaamka, in ay saldhig u tahay shuruucdeena. Waxa kaloo ka mid ah oo mamnuuc ah in dadkii qarannimada Jamhuuriaydda Somaliland naftoodda u soo huray, ee u soo dhibaatooday, ee ay SNM ugu danbaysay in maalinta la xusayo uu qof iska yidhaahdo anagu maalintaa la xusayo dhulal ayaanu xaadhnaa, oo ma cisayno.

Waxaa ka mid ah aflagaadooyinkaasi in la yidhaahdo SNM ma naqaano, waxna namay tarin, oo weliba la caayo, dastuurkeena ayaa mamnuuc ka dhigaya. Markaa waxyaabahaa in aynu wada ilaashanaa, waa waajib”ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdfi.

Ugu danbayn madaxweyne Biixi, ayaa fariin u diray madaxda tartamaysa oo isaguba uu ka mid yahay, waxaanu ku booriyay in wax kastaba laga horaysiiyo ilaalinta nabadgeliyadda iyo wada jirka umadda iyo ilaalinat qarannimadda.

Waxaanu tilmaamay in isu soo baxyadda xisbiyadda iyo ururadda siyaasadda ee waayadanba wadanka ka socday ay ka dhex muuqdaan waxyaabo fara badan oo meel ka dhac ku ah diinta islaamka, dhaqanka suuban, dastuurka, shuruucda iyo akhlaaqda wanaagsan.

“Qoladayada maanta tartamaysa waxaa nagu waajib ah, oo aan fariin ahaan ugu dirayaa, in ay waxa kale oo dhan meel iska dhigaan, oo ay horta nabad geliyada ilaalintaeedda kow ka dhigaan. Haddii uu tartanka xisbiyadu waxyeelo inoo leeyahay, oo uu qaranka khal-khal gelinayo, yaa qabanaya? Waxaa qabanaya acyaanta dalka. Maanta ololaha aynu ku jirno waxyaabo fara badan oo sharcigana ku gef ah, diintana ku gef ah, akhlaaqdana ku gef ah, ayaa ka socda” ayuu yidhi madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi.