Komishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo Daah-furay Ololaha Wacyigalinta Codbixiyeyaasha

0
28

 

Qore: Cabdiwaahab Daahir

 

Hargaysa, (Dawan) Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa  shalay daah-furay Ololaha Wacyigalinta Codbixiyeyaasha.   Kulanka lagu daah furayay ololaha wacyigelinta codbixiyeyaasha waxaa   soo qabanqaabisay Hay’adda Netherland Multiparty Institute for Democracy (NMID), waxaana ka soo  qaybgalay Ururrada Bulshada Rayidka ah ee kala duwan oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Dallada Ururrada Bulshada aan Dawliga ahayn ee SONSAF Md. Anwar Cabdiraxmaan Warsame.

 

Guddoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranka jamhuuriyada Somaliland oo  kulanka ka qayb galay ayaa taahfuray ,  isagoo sheegay in kulanka ujeedadiisu tahay sidii ururada rayidka ahi doorkooda uga qaadan lahaayeen wacyigalinta shacabka reer Somaliland maadaama ololaha Ururada iyo Xisbiyadu  ugu diyaar garoobayaan Doorashooyinka dhawaan dalka ka qabsoomi doonaa uu bilaabmayo.

 

Geesta kale komishaneer bidhaan oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha Ururada rayidka ah looga baahan yahay iyo qaabka ka komishan ahaan ay u la xisaabtamayaan waxaanu yidhi.” Codbixiyaha waxa aynu u sheegaynaa waa xuquuqdiisa iyo sida uu u codaynayo, waxa ka reebban iyo sida uu goobta codaynta uu uga dhaqmayo. In waxa aad gudbinaysaan uu noqdo wax saxan, halka xogta oo dhan laga qaadnayaana waa komishanka. Inaad madax banaanataan oo aydaan ku milmin ururada iyo xisbiyada siyaasada ayaa  laydiinka baahan yahay.”

 

Waxa sidoo kale ururada ka socday bulshada rayidka ah masuuliyiinta komishanka Doorashooyinka Qaranka kula dardaarmeen in ay wacyi galintu noqoto mid xadidan, wakhtiga ugu haboona la gaadhsiiyo shacabka, sidoo kalena dhamaan deeganada Somaliland ay gaadhsiiyaan fariinta wacyiyaginta iyadoo komishanku sameeyey nidaam qofkasta lagu dabagali karo isla markaana lagu ogaan karo in sidii loogu talogalay oo uu shaqadiisa u gutay iyo in kale.

 

 

 

Gabagabadii  waxaa iyaguna  halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah  Ururrada Bulshada Rayidka ee kala duwan ee madasha daahfurka ka soo qaybgalay waxanay balan qaadeen in ay diyaar u yihiin sidii ay bulshada reer Somaliland u gaadhsiin lahaayeen fariinta wacyigalinta ee ku aadan muwaadinka iyo qaabka uu u codayn lahaa, si xor iyo xalaal ah, isla markaana riboodkoodu uu u noqon lahaa mid sax ah