Madaxweyne ku xigeenka Dalka Kenya oo Xilka Laga Qaaday Isagoo Isbitaalka ku Jira

0
23

Xildhibaanada baarlamaanka dalka Kenya ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya Rigathi Gachagua, inkasa too uu ku guul dareystay inuu ku markhaati furo dacwadda xil ka qaadista kadib markii qareenkiisa uu sheegay in isbitaal loo qaaday.

Maalin ka mid ah maalmihii ugu yaabka badnaa ee soo mara taariikhda siyaasadeed ee Kenya, Gachagua ayaa lagu waday in uu ka soo muuqdo aqalka senate-ka ka dib xilliga qadada si uu isu difaaco. Si kastaba ha ahaatee, Gachagua, oo loo yaqaanno Riggy G, ayaan ka soo xaadirin, waxaana qareenkiisu uu codsaday in dib loo dhigo isaga oo sheegay in macmiilkiisa uu ka cabanayey xanuun dhanka laabta ah, isla markaana ay daweynayaan dhakhaatiirta Isbitaalka Karen.

Hase yeeshee Senatarada waxay door bideen in ay sii wadaan codeynta isaga oo goobta ka maqan taas oo keentay in kooxda difaaca ay ka baxaan aqalka baarlamaanka. Diidmada senate-ka ee ah in dib loo dhigo dacwadda ilaa Sabtida waxay muujinaysaa sida ay uga go’nayd inay ka takhalusaan Gachagua, dhowr bilood ka dib markii ay isku dhaceen madaxweyne William Ruto.

Toddobaadkii hore, aqlabiyad aad u badan oo mudanayaasha baarlamaanka ee aqalka hoose ayaa u codeeyay in xilka laga xayuubiyo, taas oo gogol xaadh u ahayd maxkamadeyntiisa labada maalmood ee Senet-ka. Gachagua, oo ah maalqabeen ka soo jeeda gobolka qaniga ku ah codadka ee badhtamaha Kenya oo shalay ku sugnaa gurigiisa, ayaa ku tilmaamay xil ka qaadista lagu sameeyay mid siyaasadeysan.