Ninka Yidhaa Xilligan Doorashada ah Waan Iscasilay Fool Xumo Ayuu La Tegay” Wasiir Toorno

0
32

Qore: Boqore Axmed Cabdi

 

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye Toorno oo ka hadlayay munaasibad lagu soo dhawaynayay taageerayaal ku soo biiray Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ka hadlay siyaasada xiliga iyo halka uu dalku marayo wakhtiga, waxaanu si gaar ah u tilmaamay siyaasiga xiligan is casilay iyo saamaynta ay ku yeelanayso siyaasadiisa iyo mustaqbalkiisa danbe maadaama oo uu xukuumadiisii khiyaamay waxaanu yidhi

“ Baryahan danbe waxaa batay wararka been abuurka ah, kaas oo aynu garanayno halka uu warkaasi ka yimaado, waana xisbi qudha oo mucaarid ah, waxana la odhanayaan hebel baa is casilaya, oo adigu isku xibiba ma tihidin e maxaa kaa galay warkiisa adigu barnaamijkaaga dadka ka iibi.

Maalin walba waxa ay odhanayaan hebel baa is casilaya meel ay ka keeneena lama garanayo beenta intaasi le’eg, waxan doonayaan oo kale in aan sheego ninka maanta is casila dhinaca uu doono ha iska casilo’e iyada oo dhawr iyo labaatan casho doorashadii ka hadhay, ninkaasi taagtiisa waynu aragnaa cid aaminaysa iyo cid dib wax ugu falaysa wuu dhacay ninkaasi”.

Wasiika wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland ayaa mucaaridka ugu baaqay in ay ka fogaadaan beenta ah hebel baa is casilay oo ay bulshada la wadaagaan waxa ay u qabanayaan waxaanub yidhi

“Ninka maanta iyada oo doorashadii sadex todobaad ka hadhsan tahay yidhaa waan is casilay cidaa uu iska casilay fool xumo ayuu kala tagaye ogaada, qoloda mucaaridka ahna waxaa leeyahay waar beentaasi iyo hebel baa is casilay ha ku meeraysanina’e kuwa idinka iska kiin casila fool xumo ayay idin kala tageen, kii muxaafidka ika casilaana fool xumo ayaa kala tagay ciddi dib u aaminimayso, sidaasi daraadeed dadka waxaad ka iibisaan waxaad u qabanaysaan”.