“Si ay Xabsi uga Badbaado ayey isku Dayday in ay Lacag Bixiso”Ciidanka Booliiska

0
25

 

Qore: Cabdiwaahab Daahir

 

Hargaysa (Dawan) Ciidanka booliiska ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen 41 litir oo khamri ah iyo shan eedaysane, afhayeenka ciidanka booliiska Somaliland oo faahfaahin ka bixiyey dhacdadaas ayaa sheegay in gabadh ka mid ahayd eedaysanayaasha lagu qabtay khamriga ay isku daday in ay laaluushto ciidankii qabtay isla markaana hadii ay siidaayaan ay siindoonto qadar lacageed oo dhan Saddex kun oo doolar balse xubnihii ciidanka booliisku  ay gabadhii iyo lacagtiiba keeneen saldhiga .

 

Booliska ayaa sheegay in dadka ka ganacsada maandooriyuhu inta badan ay isku dayaan hadii ay karayaan in ay fakadaan ama sidoo kale ay isku dayaan in ay lacag isku furtaan, balse ciidanka booliiska oo dhaarsan awgeen aanay u suurto galin in ay ka fakadaan gacanta ciidanka booliiska, eedaysana-yaashan oo ka koobnaa shan xubnood ayay boolisku sheegeen in ay hada ku jiraan gacanta booliiska sidoo kalena la horgayn doono sharciga.

 

Geesta kale hoggaanka la dagaalanka mukhaadaraadka  ciidanka booliska  Cabdicasiis Sheekh Ismaaciil oo dhacdadan ka waramaya ayaa waxa hadaliisii ka mid ahaa.”Eedaysan ka mid ah Shanti eedaysane ayaa waxa ay askartii ku qancisay, in ay lacag laaluush ah bixiso, si loo siidaayo, bal hadii khamrigii ay ka la bixiwayday saldhiga in iyada nafteeda loo siidaayo, waxa ay askartii gacanya ka galisay saddex kun oo Dollar, si ay uga fakato sharciga, khamrigii iyo lacagtiiba hada waxa ay ku jiraan gacanta booliiska”.

 

Ugu dambayntii ciidanka booliiska ayaa sheegay in xaaraan quutayaasha ka ganacsada khamrigu ay marwalba isu dayaan in ay ka fakadaan gacanta ciidanka booliiska balse booliska oo u tababaran tabaha loo dabagalo iyo sida looqabto dadka dhaqankan ku sifoobay aanay u suurto galin in ay gacantooda ka fakadaan.

Waxa Kale oo ay sheegeen booliiska in hada la hayo shantaa eedaysane, khamrigii ay siteen iyo lacag ay isku dayeen in ay booliska iskaga furdaamiyaan, sida ugu dhakhsaha badana loo horgayn doono maxakamada si sharciga loo mariyo.