Xildhibaan Meecaad oo ka Qeybqaatay Mashaariic Waaweyn oo Gobolka Sanaag ka Hirgelay.

0
23

: Bahda Dawan

Ceerigaabo (Dawan) Masuuliyiin uu horkacayo duqa magaalada Ceerigaabo, ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha jid cusub oo isku xidhi doona gegida diyaaradaha iyo magaalada Ceerigaabo. Dhismaha jidkan oo ay iska kaashadeen dawladda hoose ee magaalada Ceerigaabo iyo xildhibaan Cabdikariin Meecaad oo ka tirsan golaha wakiillada JSL.

 

Masuuliyiin ka hadashay goobta, ayaa ku dheeraaday ahmiyada jidkan cusub u leeyahay guud ahaan gobolka Sanaag, gaar ahaan degmadab Ceerigaabo.

 

Duqa magaalada Ceerigaabo oo ka hadla halkaasi ayaa u mahadnaqay xildhibaan Meecaad oo dhismahaasi kala qeybqaatay. “Waxan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa shirkadda xildhibaan Meecaad oo runtii dhismaha jidkan cusub nagala qeybqaatay.” Ayuu yidhi duqa Ceerigaabo.

 

Xildhibaan Meecaad oo kasoo jeeda gobolka Sanaag, isla markaana laga soo doortay, ayaa isagu kala qeyb qaatay barnaamijka baahida weyn u leh bulshada Ceerigaabo, halkaas oo shirkadiisu ay halbowle ka noqotay dhismaha jid cusub oo dhererkiisu dhan yahay 5 kilometers kaas oo isku xidhi doona madaarka diyaaradaha iyo magaalada Ceerigaabo.

 

Ma aha markii u horreysay xildhibaan Meecaad uu ka qeybqaatay mashaariic waxtar u leh gobolka uu kasoo jeedo ee Sanaag, balse waxa uu ka qeybqaatay mashaariic kala duwan oo gobolka Sanaag laga fuliyey. Xildhibaanka ayaa magac iyo sumcad ku mutaysay waxqabadka uu kusoo celiyey gobolka uu kasoo jeedo ee laga soo doortay.