Xukuumadda oo Beenisay in la Soo Daabacay Lacag Doorashooyinka Lagu Khal Khalinayo

0
25

Qore: Khadar M.Xaashi

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni ayaa beeniyay hadal ka soo yeedhay musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani, kaasi oo uu ku sheegay in xukuumaddu ay soo daabacday lacag ay doonayso inay ku khal khal geliso doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan 13 November.

Sidoo kale wasiir Buuni waxa uu sheegay in Murashaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani ay hayso aqoon darro xaga Dastuurka ah, waxaanu hoosta ka xariiqay inuu muddo 12 sano ah gudoomiye ka ahaa aqalka golaha Wakiillada.

Geesta kale waxa uu ku booriyay musharaxa madaxwayne ee xisbiga Waddani inuu aqbalo natiijada doorashada oo aanu hadhow warbaahinta la hor iman dadkii xalaabaha ayaa codeeyay waxaanu yidhi

“Xukuumadu dastuuriyan waxay u xilsaaran tahay daabacaada lacagta shilinka Jamhuuriyadda Somaliland.

Hadaba hadalka Cabdiraxman Cirro waxa ka muuqata aqoon daro dastuurka dalka ah waliba sidaa waxaana uu ahaa 12 sano Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.

Waxa aan leeyahay Cabdiraxman Cirro dadka u sheeg in aad aqbalayso doorashada marka lagaa hello inta aadan odhan sanadkan dad dhintay ayaa codeeyay.”