Baanka Dhexe ee Somaliland oo Beeniyay Wararka Sheegaya In Xukuumaddu Suuqyada Soo Gelisay Lacago Dheeraad ah

0
27

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Bangiga Somaliland Dr. Cali Daahir ayaa beeniyay wararka sheegaya in dawladdu ay suuqyada soo gelisay lacago dheeraad ah oo Shilinka Somaliland ah oo aanu suuqu u baahnayn ama qaadi karin, taas oo uu guddoomiyuhu sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo waxba kama jiraan ah oo aan sal iyo raad lahayn isla markaana aanay waxba ka jirin.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ka digay, in dhaqaalaha iyo lacagta dalka la siyaasadeeyo isagoo ugu baaqay siyaasiyiinta dalka inay ka dhawrsadaan wararka aan salka lahayn ee waxyeelo ku keeni kara dhaqaalaha iyo lacagta dalka.

Sidoo kale, Masuuliyiinta Banigaga dhexe ee JSL oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Banigaga Somaliland Dr. Cali Cabdillaahi Daahir iyo weliba agaasimaha guud ee Baanka JSL, ayaa kulamo iyo kormeer ku saabsan xasillinta suuqa iyo kor-u-qaadida shiling-ka Somaliland la yeeshay guddida sariflayaasha Somaliland iyo weliba sarriflayaasha suuqa sarrifka, waxayna sidoo kale ay la wadaageen bulshada Somaliland qodobo ku saabsan wax ka qabashada sarrif-bararka ka jira dalka.

Ugu danbeyntii, Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale digniino culus u diray cid kasta oo khalkhal galinaysa suuqa lacagaha iyo sarrifka ee dalka gaar ahaan dadka suuqa madaw ku shaqaysta oo uu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.