Bangladesh oo soo saartay amar lagu soo xidhayo hogaamiyihii hore ee Hasina

0
26

Maxkamad ku taal Bangladesh ayaa amartay in la soo xidho ra’iisul wasaarihii hore Sheikh Hasina, oo u carartay Hindiya bishii Agoosto ka dib markii ay xukunka lagaga tuurtay mudaaharaadyo waaweyn .

Hasina waxaa baadi goobaya maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada caalamiga ah ee Bangladesh (ICT) oo lagu eedeeyay ku lug lahaanshaha “dambiyada ka dhanka ah bani’aadanimada” ee dhacay intii uu socday mudaaharaadyo lagu dilay boqolaal qof.

Hasina, oo Bangladesh mas’uul ka ahayd in ka badan 20 sano, ayaa loo arkayay inay tahay qof gacan bir ah ku haysay xukunka una naxariis daran mucaaradka.

Sidoo kale waxaa amar lagu soo xidhayo la soo saaray 45 qof oo kale oo ay ku jiraan wasiiro hore uga tirsanaan jiray dowladda oo iyaguna ka baxsaday dalka.

“Maxkamaddu waxay… amartay in la soo xidho ra’iisul wasaarihii hore ee Sheikh Hasina, iyo in la horkeeno maxkamadda 18-ka November,” Mohammad Tajul Islam, oo ah madaxa dacwad oogaha ICT, ayaa u sheegay suxufiyiinta Khamiistii.

“Sheikh Hasina waxay hormuud u ahayd kuwii geystay xasuuqa, dilalka iyo dambiyada bini’aadantinimada bilihii July ilaa Agoosto,” ayuu raaciyay.

Wasaaradda caafimaadka ku meel gaadhka ah ee Bangladesh ayaa sheegtay bishii Agoosto in in ka badan 1,000 qof lagu dilay rabshadaha xagaagan ka dib markii ay ardaydu hogaaminayeen mudaaharaadyo looga soo horjeeday qoondada shaqada ee dawladda ay isu beddeleen mudaaharaadyo waaweyn, taas oo ka dhigaysa xilligii ugu dhiigga badan taariikhda waddanka tan iyo markii uu xornimada qaatay 1971.

Hasina, oo 77 jir ah, ayaan meel fagaare ah lagu arag tan iyo markii ay ka soo qaxday Bangladesh. Meesheedii ugu dambaysay ee rasmiga ahayd ee ay ku jirtay waa saldhig milatari oo u dhow caasimadda Hindiya ee Delhi .

Markii hore waxaa la filayey in ay India ku sii sugnaato muddo kooban, balse wararka ayaa sheegaya in isku daygeeda ay magangelyo uga raadsan lahayd meelo kale uu ilaa hadda lagu guuleysan waayey.

Joogitaankeeda sii socota ee Hindiya waxay caqabad ku tahay Delhi inay la shaqeyso xukuumadda cusub ee ku meel gaarka ah ee Dhaka. Dad badan oo Bangladesh ah ayaa ka cadhooday in Hindiya ay gabbaad siisay.

Dowladda cusub ee ku meel gaadhka ah ee Bangladesh ayaa kala noqotay baasaboorkeeda diblomaasiga ah, waxaana labada dal ay leeyihiin heshiis laba geesood ah oo isku celin ah kaas oo u ogolaanaya inay dib ugu soo laabato si ay u wajahdo maxkamad dembi.

Qodob ka mid ah heshiiska, si kastaba ha ahaatee, ayaa sheegaya in dhiibistiisa la diidi karo haddii dembigu yahay mid qofka siyaasiga ah qofnimadiisa lagu waxyeelanayo.

Xukuumadda Hasina ayaa samaysay maxkamada ICT-da sannadkii 2010-kii si ay u baadho gabood-falladii dhacay intii uu socday dagaalkii Pakistan, kaas oo Bangladesh siisay madaxbannaanideeda sannadkii 1971-kii.

Qaramada Midoobay iyo kooxaha xuquuqul insaanka ayaa dhaleeceeyay habraaca maxkamadan waxaana ay noqotay mid si weyn loogu arkay Hasina in ay meesha ka saarayso mucaaradka siyaasadeed.

Maxkamaddan oo ay dib u dhis ku samaysay xukuumadda ku meel gaadhka ah, ayaa dacwadeeda bilowday Khamiistii. Dadka dhaliila ayaa sheegaya in ay ka maqan tahay garsoorayaal khibrad u leh shuruucda caalamiga ah.

Dhowr kiis oo lagu eedeeyay Hasina inay soo abaabushay “dilkii wadareedka” ee dadka mudaaharaadayay ayaa maxkamadu baadhaysaa.

Sajeeb Wazed oo ah wiil ay dhashay Hasina ayaa sheegay in hooyadii ay diyaar u tahay in maxkamad la soo taago. “Hooyaday wax khalad ah ma samayn,” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters bishii hore.