“Isbedelka cimiladda waxna waa wax Inaga Wada Dhexeeya Waxna Waa Mid Aynu Keligeen Leenahay…”

0
24

Waa muhiim in ay Somaliland yeelato xarun cilmi baadhiseed oo lagu daraasadeeyo saamaynta xun ee ay dalkeena ku keentay isbedelka cimiladda oo adduunka oo dhan waayadan danbe si weyn looga cabanayay.

Si loo helo xarun cilmi baadhis loogu sameeyo waxyeeladda ka dhalatay isbedelka cimiladda ayaa waxay wasaaraddda deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland ku hawlan tahay sidii loo heli lahaa goob cilmi baadhis.

Hadaba qaybta koowaad ee qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa xarunta cilmi baadhista deegaanka iyo xaalufka ku dhaca oo laga furayo magaaladda Burco, sida ay sheegtay wasiirka deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimiladda Somaliland Marwo  Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa sheegtay in ay dhawaan gobolka Togdheer ka furayaan xarun cilmi baadhis ku samaysa saamaynta dalkeenna ay ku yeelatay isbedelka cimiladda adduunka.

Waxaanay wasiirku tilmaantay in ay muddooyinkan danbe ku hawlanaayeen sidii machadkaasi loo furi lahaa, isla markaana ay arrintaasi ka wada shaqaynayeen wasaaradda Maaliyadda Somaliland, iyo Jaamacadda magaaladda Burco, ee xarunta gobolka Togdheer.Wasiirku waxay sheegtay in wasaaradda Deegaanka Somaliland oo kaashanaysa hay’adda CCF in ay xog ururin ka soo sameeyeen goboladda dalka qaarkood, xog ururintaasi oo la xidhiidhay saamaynta isbedelka cimiladu ku yeelatay goboladda dalka.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlayay na waxay tidhi, “Meelaha xog ururinta laga soo sameeyay, ee la soo eegay, ee la tegay, illaa afar meelood ayaa xog ururin laga soo sameeyay. Waxaanay kala yihiin gobolka Awdal, degmadda Sheekh, Togdheer, iyo Oodweyne, inta ba waa la tegay. Isbedelka cimiladu saamaynta uu ku yeeshay, in la soo ogaaday, xog ururin baa laga soo sameeyay. Waxaanan la wadaagnay xog ururintaasi hay’adaha iyo wasaarradaha aanu wada shaqaynta leenahay”.

Machadkna cilmi baadhista ku samaynaya saamaynta  isbedelka cimiladu ku yeeshay dalkeenna ayay wasiirku sheegtay in laga hirgelin doona Jaamacadda magaaladda Burco, kaasoo la furi doono todobaadka soo socda. “Xog ururintaasi waxay ku tusaysaa, gobolka Togdheer, oo aanu imika doonayno in aanu Jaamacadda Burco, kala shaqayno, oo machad (institute) laga furo todobaadkan soo socda, haddii ALLE idmo.

Machadkaasi laga furayo gobolka Togdheer, oo isagu hadhawto inoo noqonaya xarun cilmi baadhis ku samaysa isbedelka cimiladda, oo marjac loo noqdo inoo noqda. Taa saanu waayadan danbe, anaga (wasaaradda deegaanka), iyo wasaaradda Maaliyadda, iyo Jaamacadda Burco, ka wada shaqaynaynay sidii loo furi lahaa machadkaasi.

Machadkaasi oo sal u noqon doona saamaynta uu inngu keenay isbedelka cimiladu, gaar ahaanna abaarraha soo noq-noqday” ayay tidhi wasiir Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo marti ku ahayd barnaamijka Bandhiga waxqabadka  iyo isla xisaabtanka xukuumadda, iyo shacabka ee Jimcihii habeen hore.Barnaamijkaasi oo laga baahiyay telefishanka qaranka Somaliland ayaa wasiirka ay su’aallo fara badan oo la xidhiidha shaqadda wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ku waydiiyeen dadweynihii ka soo qayb gallay, ayaa dhamaantood ba ay wasiirku si wanaagsan uga wada jawaabtay.

Wasiirka, ayaa ka hor intii aan la furin su’aalaha ay waydiinayeen dadweynuhu waxay ka warbixisay hawlaha shaqo ee wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomay, qorsheyaasha iyo yoolka ay higsanayso wasaaraddu.

Sida xidhista Seereyaasha, wax ka qabashadda dhul Oodashadda, illaalinta iyo daryeelka duur joogta, iyo xakamaynta ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta, abaarraha soo noq-noqday, iyo waxyaabaha ay ka qabteen dhibaatooyinka kala gedisan ee haysta degaanka.“Isbedelka cimiladdu adduunka ee aynu maanta arkayno, keligeen uun maaha, marka aynu ka hadlayno, adduuyada oo dhan bay saamaysay, hadda na dal waliba si isaga u gaar ah ayuu ula tacaalaa. Waxaa jira xeerar fara badan oo ay adduunyadu samaysteen, oo ay doonayaan in ay ku dhaqmaan, oo dawlad waliba ay ugu dhaqmi lahayd. Dawlad waliba na u hagaajin lahayd deegaankeedda.

Isbedelka cimiladda, wax na waa wax innaga wada dhexeeya, wax na waa mid aynu keligeen leenahay. Innaga (Somaliland) markaynu eegno, waxaa kow inoo ah xaalufka deegaanka ku dhacay. Waayo? Ma nihin dal hodan ah, oo roob badani ka da’ayo. Innaga dhulkeenu wuxuu u dhaw yahay Lama-degaan. Waxaanan ka mid nahay wadamadda loo yaqaano Lama-degaan u ekaha, ee ay dhirtu aadka ugu yar tahay, ayaynu ka mid nahay”ayay tidhi Shukri Baandare.

Wasiirka oo hadalka sii wadatay waxay tidhi, “Xaalufka ku dhacay deegaankeenu, si xun ayuu inoo saameeyay. Saamaynta uu innagu keenay isbedelka cimiladu, waxaa ka mida roobabkii inoo di’i jiray, oo yaraaday, iyo Abaarraha soo noq-noqday, waxaana sababay Abaarraha isbedelka cimiladda.

Sidoo kale isbedelka cimiladu Hawadda ayuu saamayn ku keenay, innaga na way inna saamaysay, caalamka na way saamaysay. Xaalufka deegaanka waxaynu ka dhaxal nay dhir yaraan, dhirtii soo bixi lahayd na waynu isticmaalaynaa, oo waa la jarayaa, oo Dhuxul ayaa laga shiidayaa, ama beero ayaa lagu Oodanayaa, ama siyaabo kala duwan ayaynu u isticmaalaynaa, oo xad-dhaaf ah”.

Wasiirka oo bulshada farriin u dirtay,kana jawaabaysay su’aal la xidhiidhay Dhuxulaysiga oo qayb ka qaata xaalufka deegaanka iyo dhibaatooyinka ka dhashay.ayaa tidhi. “Bulshadda waxaan u soo jeedinayaa in ay bedelaan isticmaalka Dhuxusha, oo ay geedka Garan-waaga Dhuxul fiica ayuu leeyahaye, ay dhuxulaysatadu ka samayso Dhuxul, si aynu u bad-baadino dhirteena uu xaalufku ku dhacay”

Qaybta labaad iyo qormadeena todobaadkan ee DEEGAAN JIRRE, waxaynu ku soo qaadan doonaa wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Somaliland ayaa maalinta berri ah magaaladda Burco ku qabanaysa shir lagaga arrinsanayo sidii wax looga qaban lahaa Xaalufka, Dhuxulaysiga, Ceshiimooyinka, Degsiimooyinka iyo Ugaadhsiga sharci darrada ah.

Shirkaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanku waxaa ka soo qayb geli doonna masuuliyiinta badhasaabyadda goboladda Togdheer, Sanaag, Sool, Sarraar iyo Daad-Madheeb.

Shantaasi gobol oo la aaminsan yahay in ay si weyn u saamaysay dhibaatadda lagu hayo deegaan gaar ahaana dhuxulaysiga iyo xaalufka lagu hayo deegaanka iyo sidoo kale ugaadhsiga sharci darrada ah.Sidaasina waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo ay maanta shirkaasi ka soo saartay wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shurki Xaaji Ismaaciil Baandare, kaasoo warbaahinta loogu tallo galay.

Waxaana warkaasi lagu yidhi, “Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyaga jamhuuriyadda Somaliland waxay maalinta berri ah ku qabanaysaa magaaladda Burco, shir ballaadhan oo lagaga wada tashanaayo bad-baadinta iyo ilaalinta deegaanaka iyo noolayaasha kala duwan ee ALLE SWT ku dul abuurray.Shirkaa waxaa xoogga lagu saari doonaa sidii dhamaan daneeyayaashu uga wada shaqayn lahaayeen ka hortaga xaalufka ba’an ee lagu hayo deegaanka sida dhuxulaysiga, Ceshiimooyinka, Degsiimooyinka iyo Ugaadhsiga sharci darrada ah”.

Geesta kale waxaa shirkaasi ka soo qayb geli doona taliyeyaasha ciidamadda booliska iyo Milateriga, Maxkamadaha degmada iyo gobolka, Xeer-ilaalinta iyo wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo haayadaha Caalamiga ah.“Shirkan waxaa ka soo qayb gelaya masuuliyiin ka kala socda shanta gobol ee Barriga Somaliland oo kala Togdheer, Sanaag, Sool, Sarraar iyo Daad-Madheeb, oo dhibaatadda deegaan ee aan soo sheegnay ay aad u saamaysay.

Masuuliyiinta goboladaasi ka socdaa waxay ka kooban yihiin, Badhasaabadda, Taliyeyaasha booliiska iyo Milateriga, Maxkamadaha degmada iyo gobolka, Xeer-ilaalinta iyo wasaaradda Xanaannada Xoolaha.Waxaa kaloo ka soo qayb gelaya shirkaasi Urrurada haayadaha Maxaliga ah, haayadaha Caalamiga ah iyo xubno ururadda bulshadda ah iyo culimadda gobolka Togdheer metelaya”.“Ugu danbayn, masuuliyiin isugu jira wasiirro iyo wasiir ku-xigeenno dawladda dhexe ka socda ayaa iyaguna shirkaa nagala soo qayb geli doona” ayaa lagu yidhi warkaasi qoraalka ah ee  ka soo baxay wasaaradda deegaanka Somaliland.

Dhinaca kale shirkan maalinta berri ah lagu qabanayo magaaladda Burco ayay wasiirka deegaanka iyo horumarinta Somaliland shaacisay 11-kii bishan mar ay shir jaraa’id ku qabatay xafiiskeedda.Waxaanay sheegtay in u jeedadda laga leeyahay shirkaasi ay tahay sidii wax looga qaban lahaa Dhuxusha sida sharci darrada ah looga shiddo goboladda Barriga Somaliland, isla markaana laga dhoofiyo dekadda Boosaaso.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaysay 11-kii bishan waxay tidhi,  “Dhuxusha dalka ka baxaysa, ee goboladda shanta ah ee Sanaag, Saraar, Sool, Togdheer, iyo Daad-madheedh, laga shido  ee dekadda Boosaaso laga dhoofiyo, iyadana loo dul qaadan mayo. Shantaa gobol masuuliyiintoodda, bishan aan ku jirno 26-keedda, waxaa la isugu keeni doonaa shir, oo la isugu iman doonaa gobolka Togdheer.Si aynu wada jir u wada shaqayno, oo wada shaqaynteenu u adkaato.   Dhuxusha shantaasi gobolka laga qaado, ee Boosaaso laga dhoofiyo, taana loo adkaysan mayo, shir ayaana laga yeelanayaa”.