Isu soo Baxa Gobolada iyo Degmooyinka ee Urur-siyaasadeedka Rejo

0
34

 

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Guud ahaan waxaa shalay isu soo baxa ololaha doorashada Madaxtooyada iyo Ururada siyaasadda usoo baxay taageerayaasha Urur-siyaasadedka Rejo.

Guud ahaan taageerayaasha urur siyaasadeedka Rejo ee gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa muujiyay cududaada taageero ee ay u hayaan urur siyaasadeedka Rejo.

Waxaanay isu soo baxyada taageerayaasha urue siyaasadeedka Rejo ee gobolada iyo degmooyinka ay shakay ka sameeyee ay ahayd maalintii labaad ee ololaha doorashada ururuada iyo asxaabta qaranka isla markanaana waxaa u akaa kaltanka ololaha Ururka Rejo.

Masuuliyiinta ururka Rejo oo la hadlay taageerayaasha isu soo baxay ayaa taagerayaashooda ka codsaday in ay ururka Rejo u codeeyaan isla markaana uu u soo gudbo xisbi qaran oo ka mid noqda saddexda xisbi qaran ee dalka usoo baxaya.

Waxaanay taageerayaasha ururka Rejo isu soo baxyo waawayn ka sameeyeen guud ahaan dalka oo dhan waxaanay fagaareyaasha Burco,Ceerigaabo,Caynaba,Oodwayne iyo Boorama kala hadlay masuuliyiinta heer qaran iyo gobo lee Urur-siyaadaeedka Jero oo shalay taageerayaasshoodu muujiyeen cududooda iyo sida ay u garab taagan yihiin in ururka Rejo u gudbo Xisbi qaran.