“Kama Mid Nihin KULMIYE, WADDANI iyo UCID Xisbi hore na ma wadano” Cabdilaahi Dahab

0
30

Qore: Cabdiwahab Dahir

Hargaysa (Dawan):- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Rejo Cabdilaahi Axmed Maxamed,ayaa meesha ka saaray in ay la bah yihiin xisbiyada qaran ee hadda tartanka kula mira mid naba waxaanu caddeeyay in ay iskood u taagan yihiin una tartamayaan sidii ay xisbi qaran u noqon lahaayeen.

Waxaanu sidaa ka sheegay isu soo baxa kaltanka ololaha doorashada Madaxtooyada iyo Xisbiyada qaranka oo ay shalay u lahaayeen Ururka Rejo.

Geesta kale Taageereyaasha ururka Rejo ayaa cududooda taageero ku soo banadhigay fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Hargaysa, taageerayaasha ururkaas ayaa lulayey astaanta calanka ururka Rejo sidoo kalena ku dhawaaqayey heesta u gaarka ah ee ururkaas, taageereyaasha ururka Rejo oo ka kala yimi Degmooyinka kala duwan ee caasiamada Hargaysa ayaa ugu dambayn isugu yimi fagaaraha beerta xorriyada ee badhtamaha magaalada Hargaysa.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Rejo Cabdilaahi Axmed Maxamed (Cabdilaahi Dahab), ayaa teegeereyaasha ururka Rejo kala hadlay fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Hargaysa, isagoo ka codsaday in taageerayaasha urur siyaasadeedka Rejo ay codkooda ku barbar istaagaan ururka si ay uga mid noqdaan saddexda xisbi Qaran ee dalku yeelan doono kadib 13 november marka ay doorashadu qabsoonto.

Geesta kale Cabdilaahi Dahab oo ah guddoomiyaha urur siyaasadeeda Rejo ayaa carabka ku adkeeyey in ay ka urur ahaan aanu jirin xisbi ay qayb ka yihiin balse ay yihiin urur ka mid ah ururada u tartamaya sidii ay u noqon lahaayeen xisbi. Waxana hadaladiisa ka mid ahaa.” kama mid nihin xisbiga kulmiye, kama mid nihin Xisbiga Waddani, sidoo kale kama mid nihin Ucid, kuwa codka doonaya ee arimahaas na marmarinayana waxaanu leenahay Buus.”

Ugu dambayn guddoomiyaha urur siyaasadeedka Rejo ayaa dhamaan taageerayasha ururka Rejo ee ku kala sugan gobolada iyo Degmooyinka dalka ugu baaqay in ay muujiyaan cuddudooda taageere, isla markaana ay ka qayb qaataan guusha uu ururka Rejo uu ku doonayo in uu ka soo hooyo tartanka doorashada inagu soo foolka leh ee dalka ka dhicidoonta 13 november 2024.