Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland oo ka warbixyey aas-aaskii Ciidanka Booliska

0
27

 

Qore: Cabdiwahab Dahir

Hargaysa (Dawan) Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ka qayb gaylay xafladda Aas-aaska Ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland oo ku beegnayd sanadguuradii 31aad ee ka soo wareegtay markii ciidan boolis oo ay Somaliland leedahay dhidibada lootaagay, ayaa sharaxaad ka bixiyey waayihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka booliska Somaliland.

Cabdraxmaan Aw Cali, ayaa sheegay 91kii markii dalka Somaliland lasoo xoreeyay in uu isagoo ku sugnaa magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal isla markaana ka ahaa badhasaab aan awood buuran lahayn ciidan booliska ka aasaasay, waxa uu sheegay in uu soo ururiyey ciidan wixii markaa laheli karayey, sidoo kalena ku guulaystay in uu helo ciidan ka kooban ilaa 80 askari oo ka mid ahaa ciidamadii hore, halka caasimada Somaliland ee Hargaysa na sidaas si lamid ah loo ururiyey sidii ay u yeelan lahayd ciidan booliis.

Geesta kale Cabdiraxmaan Aw Cali faarax ayaa xusay in dalku soo maray wakhtiyo badan oo baahi wayn loo qabay helidda ciidan boolis oo amniga suga, waxa uu sheegay ciidankii ay halkaas ka soo bilaabeen in uu noqdo mid suga amniga ergadii reer Somaliland ee ka soo qaybgashay shirkii 1993 ee lagu soo doortay madaxwayne cigaal iyo Isaga oo noqday madaxwayne ku xigeen.

Cabdiraxmaan oo ka hadlaya arimahaas ayaa waxa uu yidhi.” Ciidankii booliska ka ahaa ee sugayey amniga ergadii shirkii 1993 kasoo qayb gashay ayey markiiba ka qayb qaateen sugida ammaankooda, ILLAAHAY mahadii wayku guulaysteen in ay gutaan shaqadaas oo ay amniga ergada sugaan.”

Gabagabadii madaxwaynihii hore Somaliland mudane Cabdiraxmaan Aw Cali waxa uu sheegay in dhismaha ciidanka boolisku marba uu heer soomarayey, haatana uu marayo meeshii ugu wanaagsanayd.