Muhim Maaha Inaan Ogaado Wax Kasta!

0
26

Gabadh sabool ah aya idaacadda ka codsatay in looga sii daayo in la soo caawiyo iyada iyo caruurteeda faqiirka ah.   Markii uu cinwaankeeda helay ayuu nin shuuci ah oo maalqabeen ahi isku deyay doonay inuu ku dheedheelo.  Kaliyaasha ka shaqeeya ayuu ku amray inay raashin ku filan oo nooca kasta leh u qaadan, waxaana uu siiyay amaro iyo tilmaamo.

Waxaana uu ku yidhi: “ Markay ay idin weydiiso yaa iigu deeqay raashinkan?  Waxaad  ku odhan doontaa “ Shaydaan ayaa kugu deeqay”.

 

Isagoo rabay in islaantu argagaxdo oo laga yaabo inay tidhaa iga celiya, anigu xoolo shaydaan cuni maaye!.

Markii Islaantii ay u geeyeen way soo dhowaysay, waana ay kala wareegtay iyadoo farxsan. Laakiin haba yaraatee ma ay weydiin deeqdan cidda ku caawisay. Markii ay weydiin waydayna xoghaynta Shuuciga ayaa ku yidhi: “ Miyaanad na weydiinayn cidda kuugu deeqday Raashinkan faraha badan ee nooc kasta leh?”

Islaantii ayaa iyaduna ugu jawaabtay: “ Maya, muhiim ma ah inaan ogaado , maxaa yeelay, marka Allah (sw) arrin doono, xataa Shayaadiinta ayu kuu sakhriya si ay kuu badbaadiyaan