Saxaafadda Iyo Maalqabeenada!

0
21

Sanadkii 1886 bishii May 01, magaalada Chicago eeย  dalka Maraykanka waxa mudaharaad ballaadhan ka sameeyay shaqaalihii magaalada iyagoo codsanayay in saacadaha shaqada laga dhigo 8 saacadood.

Banaanbaxa ayaa socday muddo 4 maalmood, duqa Chicago ayaa shaqaalaha la kulmay oo u balan qaaday in arinkaasi wax laga qabano doono, iyaguna ay joojiyaan mudaharaadka.

Laakiin markii uu Duqa ka tegay kulankaasi la isku fahmay waxa goobta yimi Booliiska oo xoog isticmaalay , buuqaasi markii uu bilaabmay waxa qarxaday bamboo weyn oo dad ku dhinteen oo aan la garanayn cidda tuurtay riday.

Maalintii labaad dhamaan wargeysyada waxa ku soo baxay cinwaano muujinaya in shaqaaluhu ay doonayaan fawdo iyo fasahaad Chicago ka dhaca, inta badan wargeysyada waxa iska lahaa dabaqada laga cabanayo ee wershadlayda iyo maalqabeenada.
Hogaamiyayaashi shaqaalaha ayaa la xidhay iyadoo lagu eedeeyay inay iyagu tureen Bamkaasi gacanta, maxakamada ayaa 7 ka mid ku xukuntay dil toogasho ah, inkasta oo markii danbe loogu bedelay xabsi daaโ€™in ah. Laakiin markii midkood isku dilay jeelka dhexdiisa aya mar kale iyagana lagu fuliyay deldelaadii oo dhamaantood la wada dilay.

Wakhti ay ka soo wareegtay dhacdadan 11 sano, ayuu taliyahii ciidamada Booliiska ee halwgalakaasi hogaaminayay oo hawlgaba noqday isla markaana ku jiray maalmihii noloshiisa ugu danbeeyay oo qiraal rasmi ah sameeyay waxaana uu yidhi: โ€œ booliiska ayu ahaa kuwii tuuray bamkaasi shaqaalaha lagu eedeeyayโ€.

Qiraalkaasi ayaa ruxay quluubta shaqaalaha Maraykanka sida uu u ruxay dhamaan quluubta shaqaalaha aduunka. Taliyaha ayaa dalbaday in maxkamdda dib loogu noqdo lana sugo in aanay shaqaalahu denbi lahayn.ย  Sidaasi ayaa maalinta bisha May u horaysa loogu aqoonsaday maalinta shaqaalaha aduunka.