Waqooyiga Kuuriya oo 10,000 ciidan ah u Diraysa Ruushka

0
19

Kuuriyada Waqooyi ayaa billowday inay ciidamo u dirto si ay ula dagaallamaan Ruushka gudaha Ukraine, sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed xilli Seoul ay ka digtay “khatar dhanka ammaanka ah”.

Eedeyntan ayaa timid maalin kadib markii madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky uu sheegay inuu rumeysan yahay in 10,000 oo askari oo Kuuriyada Waqooyi ah ay ku biiri karaan dagaalka, iyada oo loo cuskanayo xogta sirdoonka.

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa ku baaqay shir amniga Jimcihii, wuxuuna sheegay in beesha caalamku ay ku khasban tahay in ay kaga jawaabto “wax kasta oo la heli karo”.

Sida ay sheegtay hay’adda sirdoonka, 1,500 oo askari ayaa horay u gaadhay Ruushka – iyada oo ilo aan la magacaabin ay u sheegeen warbaahinta Kuuriyada Koonfureed in tirada ugu dambeysa ay ku dhowdahay 12,000.

Arrintan ayaa imaanaysa iyada oo ay isa soo tarayaan cadeymo muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay Ruushka siinayso saanad, sida ay dhawaan caddeeyeen dib u soo kabashada gantaallada laga helay gobolka Poltava ee dalka Ukraine.

Moscow iyo Pyongyang ayaa sidoo kale sii xoojinayay iskaashigooda bilihii la soo dhaafay. Toddobaadkii hore, hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa dhalashadiisa u hambalyeeyey madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, isaga oo ku tilmaamay “saaxiibkiisa ugu dhow” .

Ka qaybgalayaasha shirka amniga koonfurta Kuuriya ee Jimcihii waxay go’aansadeen in aan layska iska indho-tirin xaaladda oo ay si wadajir ah uga jawaabaan beesha caalamka iyada oo la adeegsanayo wax walba oo la heli karo,” ayaa lagu yidhi war saxaafadeed.

Hadal haynta ka soo yeedhay Hay’adda Sirdoonka Qaranka ayaa ku soo beegantay maalmo kadib markii ilo-wareedyo sirdoon oo Milateriga Ukraine ah ay sheegeen in ciidamada Ruushka ay sameynayaan cutub ka tirsan Kuuriyada Waqooyi.

Horaantii todobaadkan, Putin wuxuu soo bandhigay sharci uu ku ansixinayo heshiis milateri oo uu la galay Kim, kaas oo ballan qaaday in Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi ay is caawin doonaan haddii ay dhacdo “gardarro” ka dhan ah labada waddan.

Hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ee NIS ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay tababar ku qaadanayaan saldhigyada Ruushka ee Vladivostok, Ussuriysk, Khabarovsk iyo Vlagoveshensk.

Tani waxay u muuqataa inay xaqiijinayso xog laga helay ilo militari oo ku sugan Bariga Fog ee Ruushka, kaas oo BBC-da Ruushka u sheegay usbuucan in “tiro ka tirsan Kuuriyada Waqooyi ay yimaadeen” oo la dhigay mid ka mid ah saldhigyada milatari ee u dhow Ussuriysk.

Sirdoonka Seoul ayaa sidoo kale soo bandhigay sawirada hawada sare ee Ussuriysk iyo Khabarovsk, halkaas oo ay sheegeen in boqolaal ka tirsan ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay isugu soo baxeen, iyo sawir kale oo laga soo qaaday dekedda Chongjin ee Kuuriyada Waqooyi, halkaasoo la sheegay in markab laga leeyahay dalka Ruushka lagu soo bandhigay askar ka tirsan Kuuriyada Waqooyi.

NIS waxay sheegtay inay ogaatay in tan iyo bishii Agoosto, Kuuriyada Waqooyi ay 13,000 oo konteenar maraakiib ah u dirtay Ruushka

Ciidamadan Kuuriyada Waqooyi waxay dhibaato kala kulmi karaan jiidaha hore ee dagaalka. Sidaas oo kale waxa haysta caqabada dhanka luqadda ah, sidaas oo kale khibrad dhow u laha howlgallada dagaalka yurub.

Laakiin waxay ilaalin karaan qaybo ka mid ah xudduudaha Ruushka iyo Yukreeniyaan, kuwaas oo u fasaxaya cutubyada Ruushka ee halkaa ka hawl geli lahaa in ka uga dagaalamaan meelo kale,sidaa waxa sheegay Valeriy Ryabykh, oo ah tifaftiraha daabacaadda Yukreeniyaan ee Difaaca Express. “Waxaan meesha ka saarayaa suurtagalnimada in cutubyadani ay isla markiiba ka soo muuqdaan safka hore.” Ayuu raaciyey.