Warbixin: Kobaca dekedaha Afrika waxaa hortaagan waddo xumo iyo tareeno la’aan

0
36

Afrika waxa ay aragtay in awoodda dekedeeda ay si weyn u korodhay sannadihii la soo dhaafay, laakiin warbixin ay soo saartay hay’adda maaliyadda ee Afrika ayaa sheegtay in balaadhinta, casriyaynta iyo maalgashiga ay caqabad ku tahay socodka gudaha iyo isu socodka qaarada oo aan wadooyin lahayn.

Tan iyo 2005, dekedaha Afrika waxay heleen maalgelin lagu qiyaasay 15 bilyan oo doolar, taas oo u oggolaanaysa inay ku soo xidhaan maraakiibta waaweyn oo ay ka dajiyaan shixnado badan oo loogu talagalay isu socodka qaaradda.

Sida laga soo xigtay Bangiga Horumarinta Afrika, horumarinta dekeddu waxay keentay kor u kaca gaadiidka. Intii u dhaxaysay 2011 iyo 2021, unugyada konteenarada ee mara dekedaha Afrika waxay kordheen ku dhawaad ​​50%, min 24.5 milyan ilaa 35.8 milyan.

Gabriel Sounouvou, oo ah khabiir u dhashay dalka Guinea oo ku takhasusay saadka iyo maaraynta isu socodka saadka, ayaa sheegay in maalgashiga dekeddu ay leedahay faa’iidooyin badan, oo ay ku jiraan is dhexgalka wanaagsan ee isu gudubka sahayda caalamiga ah iyo hoos u dhaca musuqmaasuqa.

“Ma cusbooneysiin karno dekedda iyada oo aan la helin isdhexgalka tignoolajiyada,” ayuu yidhi Sounouvou. “Marka… marka dowladdu casriyeyso dekedda, waxay sidoo kale abuuraan daahfurnaantan oo yaraynaysa musuqmaasuqa.”

Si kastaba ha ahaatee, marka loo eego warbixinta Hay’adda Maaliyadda Afrika ee 2024, “State of Africa’sfrastructures”, awoodda korodhay ee dekeduhu weli uma horseedin is gaadhsiin sahayeed oo hufan oo qaaradda oo dhan ah.

Cilmi-baadhayaashu waxay sheegeen in dawladaha Afrika ay dayaceen isku-xidhka waddooyinka iyo tareenada, kuwaas oo aan si siman loo qaybin, tayadoodu liidato oo aan si fiican loo isticmaalin, taas oo xaddidaysa faa’iidadooda.

Sounouvou wuxuu sheegay in waddooyinka xun ay ku adkeynayaan ganacsiga Afrika, gaar ahaan meelaha ka baxsan xeebaha.

“Wadooyin badan maritaankoodu uma fiicna baabuurta xamuulka qaada,” ayuu yidhi Sounouvou, isaga oo raaciyay in gawaadhida “ay ku qaadan karaan wax ka badan 10 maalmood halkii ay saddex ka ahaan lahaayeen wadamada aan badda lahayn.”

Jonas Aryee, oo ah madaxa dhaqaalaha badaha iyo Modules-ka ganacsiga caalamiga ah ee jaamacadda Plymouth ee Ingiriiska, ayaa sheegay in arrimo badan oo dad same ahi  ay sidoo kale adkeeyaan in badeecadaha Afrika oo dhan loo kala gudbiyo.

“Wadamada qaarkood weli ma furna, waxayna ka ilaalinayaan warshadahooda maxalliga ah oo ay ka ilaalinayaan kuwa dalalka kale ee Afrikaanka ah,” ayuu yidhi Aryee.

” Wadamo badan marka alaabtu mareyso waxa ka jira dhowr jidgooyo oo ka imanaya booliiska, kastamka iyo ciidamada kale-,” ayuu yidhi. “Taasina waxay ka dhigtay qiimaha ganacsiga Afrika mid aad u sarreeya.”

Daraasada Africa Finance Corporation ayaa muujisay in qaaraddu leedahay 680,000 kilomitir oo ah waddooyin laami ah, kaliya 10% boqolkiiba wadarta guud ee laga helo Hindiya, oo la dad ah, laakiin ka dhul yar toban meelood meel.

Waxa ay khubaradu sheegeen in waddooyinka isku xidha dalalka Afrika ay yihiin kuwo qaab xun ku jira,sababta oo ah dalalku ma samayn koox wadaag ah oo maalgashada,dhisidda iyo maamulida waddooyinka waaweyn ee hagaajin kara isu socodka xorta ah ee badeecadaha iyo dadka.

Inkasta oo shabakadaha waddooyinka ay weli yihiin kuwo aan horumarin dalal badan oo Afrikaan ah, warbixinta AFC ayaa sheegtay in maalgelinta dekedaha la filayo inay sii socdaan, iyada oo dhowr marin oo cusub la xaqiijiyay horumarinta dalalka sida Angola, Benin, Cameroon, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Ghana iyo Ivory Coast.