Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL oo Dhaqan Gelisay Amar ka soo Baxay Madaxweynaha

0
24

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Hargaysa (Dawan) Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa dhaqan gelisay amar ka soo baxay Madaxwaynaha oo arrimaha Doorashooyinka la xidhiidhay,kaas oo ahaa in aanay shaqaalaha dawladdu ka qayb qaadan karin ololaha doorashooyinka iyo in ay u ololeeyaan Xisbi ama urur.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo dhaqan galinaya amarka Madaxwaynaha ee arrimaha Doorashooyinka ayaa wareegto ka soo saaray in aanay shaqaalaha wasaaradda ee ku sugan xarunta guud ee wasaaradda iyo dhammaan gobolada iyo degmooyinka dalku aanay ka qayb qaadan Karin ololaha doorashooyinka.

Sidoo kale waxaa wareegtada uu soo saaray wasiirka arrimaha gudaha lagu sheegay In aan loo adeegsan Ololaha Gaadiidka Dawladda nooc kasta Ololaha Doorashooyinka.

Sidaas darteed, laga Bilaabo Taariikhda warqadan waxaa Mamnuuc ka ah Qof kasta oo Shaqaale ah, Qof kasta oo Ciidan Qaran ah iyo Noocyada kala duwan ee Gaadiidka Dawladda Ololaha & Isu soo Baxa Xisbiyada iyo Doorashooyinka, iyadoo aynu fulineyno Wareegtada Madaxweynaha, cidii Arrimahaa ka hawlgashana Talaabo Sharciga waafaqsan laga qaado.

Geesta kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa soo saaray wareegto kale oo uu ku ful;inayo amarka Madaxwaynaha ee arrimaha Doorashooyinka, kaasi oo ah isticmaalka Warbaahinta dawladda iyo Faraagaraasha ololaha inay si siman u wada isticmaalaan Xisbiyada iyo Ururada tartamaya.

Wareegtadan ayaa waxa lagu faray dhamaan Gudoomiyayaasha Goboladda & Degmooyinka Dalka, Xoghayayaasha Fulimaha Gobolada & Degmooyinka Dalka waxaa la farayaa in Doorashooyinka inagu soo fool leh ee Madaxtooyadda & Axsaabta Qaranka ee Qorshaysan 13ka November 2024, loogu Adeego si isku mid ah Axsaanta & Ururada, iyadoo la ilaalinaayo Nidaamka, Hab u socodka kala dambeynta warbaahinta, isla markaana Ciidamada kala duwana ka qeyb-qaataan ilaalinta Amniga Goobahaas, sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta ayaa laga codsaday inuu fuliyo wareegtan.