Xikmadaha Maanta

0
18
  • Biyuhu wax kasta way maydhaan, Hadalka xun mooye.
  • Malaha xumi wuxu ku nacsiiyaa saaxiibada, qoyskaaga qaarkood, waxaana uu yareeya kulanka asxaabta. Allah (sw) weydiiso inuu kugu arsaaqo malaha wanaagsan kaasi ayaa ah raaxada qalbiga iyo fayoobidda laabta.

 

  • Waa inaad U noqotaa qof wanaagsan kuwa ku baahan markaad maamul ama maal hayso, maxaa yeelay waxaad la kulmi doonta marka aanad labada midna hayn. Mana jiro qof weligii saraynaya.

 

  • Biyaha baylka ah ee is laba rogaya, kama arkaysidย  sawrikaaga, sidaas darteed ma arki kartid xaqiiqda adigoo cadho karaya. Sug inta cadhadu kaa degayso, ka dibna goโ€™aan gaadh marka aad degto si aanad u murugoon.

 

  • Jeebadaha madhani qofka kama joojiyaan inuu guulaysto, laakiin quluubta iyo maskaxaha madhan ee faaruqa ah ayaaย  joojiya guusha. Dr.Ibrahim Fiqh
  • Haddii aad mashquul ku tahay inaad dad kale burburiso, wakhti u helimaysid inaad naftaada dhisto.