Madaxweynaha JSL oo Ururada Bulshada kala hadlay Nabadgelyadda iyo Arrimaha Doorashooyinka

0
25

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qasriga Madaxtooyada ku qaabiley  madaxda Ururada bulshada Rayidka ah ee Somaliland.

Ururuada bulshada rayidka ah ee Somaliland iyo madaxweynaha qaranka ayaa kulankoodan kaga wada-hadlay sidii loog midoobi lahaa meelna looga soo wada jeedsan lahaa arrimaha doorashooyinka iyo ilaalinta Amniga Qaranka inta lagu jiro wakhtiga doorashada oo ah mid xasaasi ah, loona baahan yahay feejignaan dheeraad ah, si loo taabo-geliyo doorosho xor iyo xaal ah oo ku qabsoonta nabad-gelyo iyo xasilooni.

Kulankan madaxweynaha waxa ku wehelinayay guddoomiyaha golaha guurtida Somalialnd Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada.

Doorashada isku sidkan ee ururada iyo madaxtooyada ayay ka hadhsan yihiin maalmo kooban, iyada oo la filayo inay dalka ka qabsoonto 13-ka Novermber sida uu mudeeyay Komishanka doorashooyinka Qaranku madaxweynuhuna wareegtada ku soo saaray.

Guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka waxa ka socda ololaha doorashooyinka oo maalintii shanaad galay, waxaanu ururkasta iyo xisbi walba ku soo bandhigyada qorshayaashiisa iyo himilada uu doonayo inuu dalka ku hoggaamiyo haddii uu soo baxo.