Muranka Jasiiradaha ay isku haystaa Imaaraadka Carabta iyo Iran oo soo cusboonaaday

0
28

Iran ayaa u yeedhy safiirka Hungary, oo dalkiisa uu hayo xilka madaxtinimada Midowga Yurub hayo, si uu uga dacwooto bayaan wadajir ah oo ay u soo saareen Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo Midowga Yurub kaas oo ku saabsanaa jasiiradaha ay maamusho Iran, balse ee ay sheegato Imaaraadka, sida Axaddii lagu sheegtay warbaahinta dowladda.

Bayaankan oo ay wada jir uga soo baxay shir madaxeedkii ugu horeeyay ee labada urur goboleed ee Arbacadii, ayaa lagu yidhi, “Waxaan ugu baaqaynaa Iran inay joojiso qabsashada ay ku hayso saddexda jasiiradood ee Imaaraadka Carabta, Greater Tunb, Lesser Tunb iyo Abu Musa, taas oo ka dhigan xadgudub lagu xad-gudbay Madaxbanaanida Imaaraadka iyo mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay”

Jasiiradaha ku yaal meel u dhow marinka Hormuz, oo ah marin muhiim ah oo caalami ah, ayaa waxaa ku muransanaa Imaaraadka Carabta iyo Iran muddo tobanaan sano ah.

Tehran waxa ay gacanta ku haysay jasiiradahaasi tan iyo 1971-kii dhamaadkii xukunkii boqortooyadii Ingiriiska.

“Safiirka Hungary waxaa looga yeedhay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran si uu uga jawaab celiyo sheegashada aan sal iyo raad toona lahayn ee ay si wadajir ah ugu dhawaaqeen hogaamiyayaasha Midowga Yurub iyo Golaha Khaliijka,” ayay ku warantay wakaaladda wararka ee IRNA.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku tilmaantay mawqifka Midowga Yurub “Mid fikir la’aan ah, mas’uuliyad darro iyo wax ka baxsan sharci kasta,” ayay IRNA ku dartay.

Isniintii, Midowga Yurub ayaa Tehran ku eedeeyay in ay gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ay siisay Ruushka si ay ugu adeegsadaan dagaalka ay kula jiraan Ukraine, waxayna cunaqabatayn hor leh ku soo rogeen dalkaas.

Bishii Abriil 2023, Iran ayaa safiir u magacawday Imaaraadka markii ugu horreysay muddo ku dhow siddeed sano, taas oo qayb ka ah wanaajinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay waddamada Khaliijka Carabta.