Murashaxa Madaxweyne ee xisbiga UCID Eedeeyay KULMIYE iyo WADDANI

0
21

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Ololaha doorashooyinka Somaliland ayaa shalay galay maalintiisi shanaad, waxaana cududiisa taageero ku soo bandhigey xisbiga UCID.

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI ku eedeeyay inay Qarankii burburiyeen, ciidamadii jabiyeen, bulshadiina kala qaybiyeen, waxaanu bulshada ugu baaqay inay ka codeeyaan oo ay ridaan.

Murashax Faysal waxa uu tilmaamay haddii uu ku guuleysto jagada madaxtinimada dalka in uu soocelin doono sharaftii iyo haybadii uu lahaa Qaranku.

Waxaanu yidhi.“Faynuuskii aynu shidney ee Somaliland iyo Soomaaliya, Soomaaliya ayaa bakhtiisey, markii danbena  Maxamed Siyaad Barre ayaa soo afjaray oo xasuuq inoo geystay.

Markii KULMIYE talada dalka qabsaday, Qarankiiba jabay, lacagtii ayay urursadeen, qabyaalad ayay bulshadii dhaxalsiiyeen, quluubtii bulshada ayaa kala jabtay.

Xisbiga WADDANI buurta ayay wada galeen, 12 askari oo ciidanka Qaranka ah ayay dileen markaasay waliba madaxa kaga joogsadeen, markaasay leeyihiin na doorta.

Muuse Biixi googa-cade ayaan u bixiyay, ninkii ciidanka jabiyay iyo kii buurta inoo galay ayaa maantana ina hortaagan, labada doonyood ee ay fuuleen iyo huudhiga uu ninka KAAH ka daba fuuley isna waa KULMIYE saddexdooduba way degayaan haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Biyo, caafimaad, laydh, waddo, minda inama siiyaan, sow cashuurta ma bixisaan, codka ha siinina way isdilayaane ka ilaaliya.”

Sidoo kale waxa uu bulshada Somaliland ugu bushaareeyay inuu u sameyn doono shaqo abuur, sharciyada dhulkana uu soo saari doono, isla markaana aanu jiri doonin qof danbe oo bila hanti ahi.

Waxaanu yidhi.“Waxaan idiin balan qaadaya haddii aan guuleysto in aan shaqo abuur idiin sameyn doono, sharcigii dhulka ay boobeena in aan soo saaro, qofkastaana inuu helo dhul oo aanu degin meel biyo ka qaadayaan, waxbarashada ilaa dugsiga sarre lacag la’aan ayaanu ka dhigi doona, bulshada miyi iyo magaalaba caafimaad ayaanu gaadhsiin doona haddii ALLE yidhaahdo, jidadka ayaanu isku xidhi doona, waxa lagu faani doona aabahay waa askari.

Maanta inanta guriga iiga shaqaysa ayaa ka mushahar badan askarteena iyo saraakiisheena xuduuda joogta, waxaasi ma dowladnima?”

Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa farta ku fiiqay sida golaha guurtida Somaliland ugu tunteen sharciyadii dalka, isla markaana ay ujideeyeen waxaan sharcigu baneyn.

Waxaanu yidhi.“Guurtida yaa yidhi wey isu kordhin karta, guurtida miyey is dhaxli kartaa? Guurtida dad waalani miyay geli karaan? Guurtida kuwa 30 jir ahi miyay geli karaan?”

“Nin aan doorasho gelin xildhibaano miyuu yeelan karaa? Waxaasi oo dhami waa wada bilaa sharci sharcigii waynu tuurney,  sharciga sareynaya, qofkii qof dila waala dilayaa, in wixii sodonka sano aynu dhisaynay ay burburaan iyo in aynu ictiraaf helo oo adduunyada la tartano labadaasi kala doorta”Ayuu yidhi Murashaxa madaxweyne ee xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Gaba-gabadii masuuliyiinta xisbiga UCID ee taageerayaashooda kala hadlay fagaaraha khayriyada ee magaalada Hargeysa ayaa ku booriyay inay u codeeyaan xisbiga cadaalada iyo daryeelkana soona saaraan ururka iyo murashaxa madaxweyne.

Waxaa ay guud ahaan masuuliyiintii hadalka iska daba maray isku raaceen in xisbiyada Qaranku dastuur jabin sameeyeen, bulshada kala qoqobeen, dhaxalsiiyeena qabyaalad.