Xisbiga Waddani oo Fagaarayaasha Gobolada Dalka ku soo Bandhigay Awooda Taageerayaashiisa

0
103

Borama (Dawan)- Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa u dabaal degay maalintiisa kowaad ee Ololaha doorashooyinka Somaliland oo dalka si xidhiidha uga socda maalintii sagaalaad, waxaanu gobolada iyo degmooyinka dalka ku soo bandhigay cududa taageerayashiisa.

Murrashaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa kumanaan taageerayaashiisa ah kala qayb galay olalaha doorashada oo ka dhacay fagaarayaasha magaaloyinka Boorama iyo Gebiley.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in shacabka Boorama ay diyaar u yihiin isbedel siyaasadeed oo dalka ka dhaca waxaanu dhaliilo u jeeday xukuumadda Somaliland. “Xukuumaddii aynu dooranay way shaqan wayday, hawlgab ayey noqotay insha alla Waxaynu bedelaynaa todoba sanno oo fadhiidnimo ah, cabudhun iyo cabsi geli ah , todoba sanno oo qaybin bulsho ah , waxay xukuumaddu lumisay kalsoonidii beesha caalamku ku qabtay Somaliland, waxaan ILLAAHAY ka baryayaa inuu mid khayr qabo ka dhigo isbedelkeena”

Dhinaca Kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xirsi Cali Xasan ayaa Magaalada Burco kaga qayb galay dabaaldega maalinta kowaad ee Xisbiga Waddani waxaanu shacabka u sheegay in Xisbigoodu suura gelinaayo difaaca qaranka iyo aqoonsi ay Somaliland ka hesho beesha calaamka.

“Waxaanu hirgelinaynaa isbedel ku dhisan rabitaankiisa iyo tantiina, waxaanu hirgelinayaa in Somaliland aqoonsi buuxdo hesho kaasi ayaan geed dheer iyo mid gaaban u fuulaynaa, waxaanu suura gelinaynaa difaaca qaranka iyo in ciidamada la dhiso taasi waxa ay imanaysaa maalintaan midnimada bulshada dhisno” ayuu yidhi guddoomiye Xirsi

Masuuliyiinta kale ee Xisbiga Waddani ayaa magaalooyinka Hargeysa, Berbera, Ceerigaabo, Caynaba, Oodwayne iyo degmooyinka kale ee dalka kala qayb galay taageerayaashooda isugu baxay waxaanay ka codsadeen in ay codkooda siiyaan Murrashax Cirro iyo Xisbiga Waddani.