Faaโ€™idooyinka Weedha Wanaagsan

0
393

Boqoradii hore mid ka ah ayaa maalin soo dhex marayย  dadkiisa isagoo uu balan qaaday qofkii uu ka helo kelmad wanaagsan inuu siin doono abaal marin 400 Diinar.ย  Sidii u wareegyay markii danbe wuxu la kulmay oday 90 jir ah oo beeraya geed saytuun ah.

Boqorkii ayaa ku yidhi maxaad u beeraysaa geedkan adigoo daโ€™dan ah oo isuguna uu ku baxo 20 sano, geeridii ayaaba ku haysee? Odaygii ayaa intuu qoslay ku yidhi :โ€ Kuwii inaga horeeyay way beereen inaguna waynu goosanay, markaa inaguna way beeraynaa si ay u goostaan kuwa soo socdaโ€.

Boqorkii aya hadalkii aad uga helay waxaana uu ku yidhi โ€œ Kelmad wanaagsan ayaad tidhi waxaana ku siinayaa abaal marin 400 diinaar ah. Odaygii ayaa dhoola cadeeyay. Boqorkii ayaa weydiiyay maxaad u dhoola cadaynaysaa?

Odaygii ayaa ku jawaabay : โ€œ geedka sayntuunku 20 sano ayuu ku dhalaa aniguna kaygii imika ayuu ii dhalayโ€. Sidaasi ayuu wanaagga la sameeyo markiiba u leeyahay abaal marin dhakhso ah.