Ahmiyada Cabista Koob Caano ah Maalin kasta Iyo Kuwa ugu Nafaqada iyo Caafimaadka Badan

0
68

Xubinta kowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona ahmiyada cabitaanka caanuhu ay leeyihiin.

Caanuhu waa cabitaan nafaqo ahaan hodan ah, waxay leeyihiin faa’idooyin tiro badan sida xoojinta caafimaadka lafaha iyo maskaxda.

Dadka aan qabin cilladaha u dulqaadasho la’aanta laktoos (lactose-intollerance) iyo xasaasiyadda caanaha waxaa lagula dardaarmaa inay joogteeyaan caanaha.

Hadaba qoraalkan waxaa ku soo qaadanaynaa qaar ka mid ah faaidooyinka waa wayn ee laga helo caanaha.

Qiimaha nafaqo ee caanaha

Caanaha waxaa ku jira barootiin, kalooris, kaarbohaydareetyo, dufanno iyo sonkor dabiici ah, caanaha waxaa laga helaa nafaqooyin oo aasaasi ah oo qaarkood dad badani aysan ka isticmaalin xadigii jidhkoodu u baahnaa.

Cabista koob caano ah waxaad ka helaysaa 50% xaddigii fitamiin B12 ee jirku uu u baahnaa maalintii, 25% kalsiyaamtii uu jirka u baahnaa maalintii iyo 15% xadiga madooyinka pottasium iyo fitamiin D ee uu jirka u baahnaa maalintii.

Waxaa kaloo caanaha laga helaa Fitamiin A, magnesium, Zinc iyo fitamiin B1.

Faaidooyinka caafimaad ee caanaha

Xoojinta caafimaadka lafaha

Ma ahan oo keliya in caanaha laga helo barootiin, balse sidoo kale waxaa ka buuxa kalsiyaam iyo fitamiin D oo ah labo nafaqo oo lafuhu aysan ka maarmi karin.

Macdanta Kalsiyaam waxay muhiim u tahay dhisidda lafaha iyo inay adkaadaan, halka fitamiin D uu  caawiyo in jirkeennu uu kalsiyaamta ka nuugo cunnooyinka aan cunno, maadaama caanuhu ay hodan ku yihiin labadaan maado, joogteynta cabistoodu waa mid ah hababka ugu fiican ee lagu xoojin karo caafimaadka lafaha, loogana hortegi karo cudurka lafaha burburiya ee loo yaqaanno “osteoporosis”.

Barootiin tayo leh

Caanuhu waxa ay qani ku yihiin, halkii koob oo caano waxaa 8 garaam oo barootiin ah, Barootiintu waa curiye muhiim u ah dhismaha unugyada jidhka, waana dhagaxa aasaaska u ah dhismaha timaha, maqaarka, ciddiyaha, muruqyada iyo carjawaha.

Caanaha waxaa ku jira barootiinnada “casein” iyo “whey”, waxaa la aaminsan yahay in labaduba barootiinnada ugu tayada badan.

Cabista caanuhu waxa ay ka hortagta halista lumitaanka murqaha ee da’da la xidhiidha.

 

Sidoo kale, waxay u wanaagsan yihiin dadka jimicsiga sameeya, waxaa la arkay in caanaha oo la cabbo jimicsiga kadib ay yareyso dhaawac murqaha, ay kobciso bogsashada murqaha iyo in ay kordhiso awoodda murqaha

Hoos u dhigista halista macaanka

Joogteynta Cabista caanaha waxa ay hoos u dhigtaa halista xanuunka macaanka nooca 2-aad, (type 2). Daraasado gaadhaaya illaa 22 oo lagu sameeyay dad tiradoodu gaadhayso illaa 600,000 ayaa lagu arkay in joogteynta caanaha iyo cunnooyinka laga sameeyo ay weyn u yareyso khatarta xanuunka macaanka.

Ka hortagga Shaqada maskaxda oo hoos u dhacda

Caanuhu waxa ay caawiyaa in maskaxdu ay si wacan u shaqayso marka uu qofku uu da’a noqdo, waxa ay dib u dhigaan gabowga maskaxda. Daraasad la dabaacay sannadkii 2021 ayaa lagu ogaaday in xiriir uu ka dhexeeyo cabista caanaha iyo hoos u dhaca khatarta cudurka xasuusta dila ee loo yaqaanno “Alzheimer”.

Cudurkani badanaa wuxuu yimaadaa marka qofku uu duqoobo, cilmi baadhayaashu waxay ku sheegeen sababta caanuhu ay u caawiyaan gabowga caafimaadka leh inay tahay nafaqooyinka laga helo.

Caanaha waxaa ku jira kalsiyaam, barootiin iyo fitamiin B12 oo dhammaantood muhiim u ah dadka waayeelka ah.

Caanahee ugu faa’ido badan

Waa la isku waafaqsan yahay in caanaha geeluhu ay yihiin kuwa faaidada badan marka laga soo tago caanaha hooyada, waxaa ku xiga kuwa lo’da iyo ariga. Xusuusnow, caano booruhu ma lahan nafaqadii iyo faaidadii caanaha dabiiciga ah.

 

W/Q: Hirsi Ahmed Shire