Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee JSL oo Qaabilay Goob-joogayaasha Caalamiga ah ee Doorashooyinka

0
120

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin sare oo ka socday, goob-joogayaasha caalamiga ah ee doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda Qaranka, kuwaasi oo uu hoggaaminayay madaxa goob-joogayaasha Mr Tim Cole, isla markaana ay wehelinayeen Mr Paco Cobos, Mr Bartek Lech, Conrad Heine iyo Mrs Sandi Gale.

Ugu horayn Guddoomiyaha ayaa waftiga soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay booqashada ay ku yimaadeen Maxkamadda Sare iyo doorka toolmoon ee ay ka qaadan doonaan doorashooyinka. Waxaana ay Guddoomiyaha iyo waftigu isla gorfeeyeen habsami-u-socodka doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo axsaabta Qaranka ee 13 November 2024 loo dareerayo, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay ahmiyad weyn u leedahay in doorashadu u qabsoonto si hufnaan leh.

Guddoomiyaha ayaa waftiga goob-joogayaasha warbixin qoto dheer ka siiyay, sooyaalka doorashooyinka dalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen laga soo bilaabo doorashadii Golaha Deegaanka ee sannadkii 2002-dii, doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii, Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, doorashadii madaxtooyada ee 2010-kii, doorashadii Golayaasha deegaanka iyo ururada ee 2012-kii, doorashadii Madaxtooyada ee 2017-kii, doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada ee 2021-kii iyo doorashada haatan ee 2024-ka ee Madaxtooyada iyo axsaabta Qaranka iyo doorka ay mar kasta Maxkamadda Sare kaga jirto. Geesta kale guddoomiyaha ayaa xubnaha waftiga uga xog waramay sharciyada dalka iyo sida loo xaliyo cabashooyinka salka ku haya arrimaha doorashada.

Masuuliyiinta ka socday goob-joogayaasha caalamiga ah ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan warbixinta balaadhan ee ay helleen, iyagoo sheegay in ay wax ka tari doonto hawsha goob-joogenimo ee ay u yimaadeen. Waxaana ay soo jeediyeen in ay ka wada xidhiidhaan kolba halka hawluhu marayaan, guddoomiyuhuna waxa uu tibaaxay in uu diyaar u yahay wixii ay uga baahdaan.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu xubnaha waftiga goob-joogayaasha caalamiga ah uga mahad-celiyay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan hab-sami-u-socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa 13 November.

Ibraahin Maxamed Cali

Madaxa Waaxda Warbaahinta Maxkamadda Sare JSL