“Ururka Talo-wadaag Siyaasaddiisu Waxay ku Dhisantahay Taageerada Musharaxa Cabdiraxmaan Cirro”

0
74

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Ceerigaabo (Dawan)- Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Talo-wadaag Ibraahim Mahdi Buubaa iyo masuuliyiinta ururka Talo-wadaag ee Gobolka Sanaag oo ku sugan Magaalada Ceergaabo ee Xarunta Gobolka Sanaag ayaa taageerayasha urur siyaasadeedka Talo-Wadaag kala qaybgalay maalintii labaad ee ururkaasi u lahaa ololaha urururada iyo xisbiyada Qaranka Somaliland.

Guddoomiyaha Ururka Siyaasadeedka Talo-Wadaag ayaa sheegay in maadaama ururka Talo-Wadaag u tartamayo sidii uu u noqon lahaa xisbi qaran uu dadaal ugu jiro, isla markaana urur siyaasadeedku yahay isbadal doon.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Talo-wadaag Ibraahim Mahdi Buubaa oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Ururka siyaasadiisu waxay ku dhisan tahay daageerida Musharaxa Madaxwayne Cabdiraxmaan Cirro, si bilaa shuruud ah, ururka Talo-wadaag waxa uu dadka ku kasbaday siyaasadiisa wanaagsan ee hufan.”

Guddoomiye  Buubaa ayaa taageerayaashii fagaaraha khayriyada Magalada Ceergaabo iskugu soo baxay iyo dhammaan shacabka Reer Sanaag ba  ka codsaday in ay codkooda siiyaan Ururka Talo-Wadaag Doorashada inagu soo foolka leh ee dhamaan dalka ka qabsoomi doonta 13 November si uu ururka Talo-Wadaag uga mid noqdo Saddexda Xisbi Qaran ee soo baxa isla markaana Tobanka Sano ee soo socda uu dalku yeelan doono.

Gabagabadii, Ibraahin Mahadi Buubaa ayaa sheegay in Urur Siyaasadeedka Talo-wadaag ay hogaaminayaan dhalinyaro aqoon yahano ah oo reer Somaliland ah, sidoo kale na aanay ka mid ahayn siyaasiyiinta guur guura, kuwaasi oo sida gudoomiyuhu sheegay uu ku tilmaamay in ay yihiin siyaasiyiin dalka hagardaameyey isla marnkaana ragaadiyey, waxaanu tilmaamay  siyaasiyiinta guurguura in aanay u aqoon isbadal doon.