Sababaha iyo Xalka Saamaynta Isbedelka Cimilada: Warbixin

0
39

Waa Maxay Isbeddelka Cimiladu?

Isbeddelka cimiladu waa isbeddelka muddo dheer ka dhaca nidaamka cimilada dunida, gaar ahaan heer kulka adduunka  oo si aan caadi ahayn  sare ugu kaca. Qodobka ugu muhiimsan ee keena isbeddelkan waa kordhinta gaasaska hawada wasakheeya ee loo yaqaano Greenhouse gas emissions, sida CO2, methane, nitrous oxide, F-gases, iyo walxaha lamidka ah.

Gaasaskani marka ay hawada galaan waxay qabtaan ama celiyaan  kulaylka Qorraxda oo caadi ahaan dib ugu noqon lahaa bannaanka ama hawada sare, taas oo keenta in heerkulka dhulku si aan caadi ahayn u kordho. In kastoo isbeddelka cimiladu ahaa arrin si dabiici ah dhulka uga dhacaysay mudo dheer   haddana cilmi-baadheyaashu waxay cadeeyeen in falalka bini’aadamka sameeyeen ay si weyn uga qayb qaateen isbadalka xawliga ku socda ee hadda jira.

Isbeddelka cimilada waxa uu soo ifbaxay qarnigii 19-aad markii saynisyahanno ay bilaabeen inay dareemaan in noocyada gaasaska ka yimaada wershadaha iyo walxaha la warshadeeyay ee lagu sii daayo hawada ay kordhinayaan heerkulka dhulka. Cilmi baadhayaal kala duwan oo mudo sanado ah daraasaad xidhiidh ah waday waxay si dheer  diiradda u saareen xidhiidhka ka dhexeeya kaarboon laba ogsaydhka (CO2) iyo isbedelka cimilada.

Waxaanay sheegeen in sii kordhinta CO2 hawada lagu sii daynayaa ay keeni karto in heerkulka dhulku uu kordho, taas oo runtii la arkay inay dhab noqotay badhtamihii qarnigii 20-aad. Mar kale waxaa la ogaaday inay jiraan noocyo kale oo gases ah oo gaysanaya saamayn ka badan midda Kaarboonka.

Sidoo kale, xog laga helay dayax-gacmeedyada iyo xarumaha la socdka ama kaydiya diiwaanadda isbadalada heer kulka dhulka,  ayaa caddeeyay in isbeddelka cimiladu tahay xaqiiqo. Dayax-gacmeedyada iyo xarumaha la socodku waxay diiwaangeliyaan isbeddelka ku dhacaya barafka cidhifyada dunida oo dhalaalaya, kulaylka Badda oo kordhaya, iyo roobka u da’aya sida aan la saadaalin karin. Xogtan waxay si cad u muujinaysaa in isbeddelka cimilada uu ka socdo meelo badan oo dunida ah, iyadoo saameyn ku leh Badaha, dhulka, iyo bini’aadamka.

Maxaa Sababay Isbeddelka Cimilada?

Sababta ugu weyn ee keentay isbeddelka cimilada waa gubista shidaalka fosilka ah sida saliidda, gaaska dabiiciga ah, iyo dhuxusha, kuwaas oo hawada ku sii daaya gaasaska wasakhaysan sida Kaarboonka. Sidoo kale, waxyaabaha kale ee shidaaliya isbeddelka cimilada waxaa ka mid ah jarista dhirta, oo yareysa awoodda deegaanka ee qabashada kaarboonka, sababtoo ah dhirtu waxay si dabiici ah u qabtaan kaarboonka, balse marka la jaro dhirta waxaa dhacda in kaarboon badan oo ay qaban lahaayeen ay u baxaan  hawada. Waxa sidoo kale qayb muhiim ah ka qaadatay Isbadalka Cimilada  wasakhowga ka dhasha warshadaha iyo gaadiidka. Dhaqdhaqaaqyada bini’aadamka ee ku saabsan wershadaha, gaadiidka, iyo dhismaha magaalooyinka waa kuwa ugu muhiimsan ee kordhiya sii deynta gaasaskan.

Sidoo kale, beeraha iyo hawlaha la xidhiidha xoolaha ayaa qayb ka qaata sii deynta methane, kaasi oo ah gaaska labaad ee ugu muhiimsan ee saameeya cimilada. Methane, waa gaas aad ugu sii jira hawada muddo gaaban laakiin, wuxuu leeyahay awood aad u weyn oo uu ku celiyo kuleylkii hawada sare u bixi lahaa kaasi oo ku sii jiraya hawadeena, kadibna na dareensiinaya kuleyl iyo isbadal dhanka cimilada ah. Sidoo kale xoolaha, gaar ahaan lo’da iyo riyaha, waxay sii daayaan methane inta ay daaqayaan iyo inta ay dheefshiidka sameynayaan.

Adeegsiga noocyada kala duwan ee tignoolajiyada cusub sida: baabuurta, aaladaha kale, qaboojiyayaasha, tallaajadaha, bacrimiyayaasha kiimikada ah iyo kuwa la hal maal ee loo isticmaalo baahiyaha kala duwan ayaa kordhiya qiiqa lagu sii daayo hawada, warshadaha (dharka, birta, sibidhka, kiimikada, warshadaha cuntada i.w.m.) waxay sidoo kale hawada ku sii daayaan xaddi badan oo ah Greenhouse gases.

Maxaa Ka Dhashay Isbeddelka Cimilada?

Isbeddelka cimilada wuxuu sababayaa xaalado khatar ah oo ka muuqda daafaha caalamka. Fatahaado, abaaro, dabaylo xoogan, iyo biyo yaraan ayaa noqday kuwo soo noq noqday oo saameeyay nolosha malaayiin qof. Dalkeenan Somaliland tusaale ahaan, waxay si daran u la daalaa-dhacdaa abaaro soo noq noqda iyo nabaad-guur ballaadhan oo sababay barakac iyo cunno yaraan baahsan. Xaaladaha noocan oo kale ah waxay sii kordhiyeen dhibaatada bani’aadanimo ee wadamo badan oo sabool ah.

Deegaanka, isbeddelka cimiladu wuxuu sababay in qaar ka mid ah noocyada noolaha ay halis ugu jiraan dabar-go’, halka qaar kalena ay dhibaato kala kulmaan isbeddelka xaaladaha deegaankooda. Waxaa sidoo kale la arkay in coral reefs-ka Badda ay noqdeen kuwa dhibaato soo gaadhay, taasoo yareynaysa kalluunka iyo noocyada kale ee ku nool Badaha.

Si gaar ah,  Isbadalka cimiladu waxa uu si weyn u saameeyay Somaliland, taas oo cawaaqib xumo weyn ku leh dadka, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Abaaraha soo noq noqda, fatahaadaha lama filaanka ah, iyo korodhka heerkulka ayaa keenay cunto yari baahsan, barakac, iyo yaraansho ama naaqus ku socda xoolaha Soomaalida. Waxsoosaarka beeraha, oo awalba yaraa ha yeeshee ahaa isha ugu muhiimsan ee nolosha iyo dhaqaalaha dadka ayaa wajahayaa cadaadis xoogan oo ka imaanaya masiibooyinka ka dhalanaya isbadaladan cimilada.

Maxaa Dhacaya Haddii Aan Waxba Laga Qaban Isbadalka Cimilada?

Khubaradu waxay rumaysan yihiin in haddii aan tallaabo deg deg ah loo qaadin wax ka qabashada isbeddelka cimilada, dunida ay wajahdo  dhibaatooyin halis ah oo saameyn weyn ku yeesha nolosha, dhaqaalaha, iyo deegaanka. Heerkulka dhulka ayaa si joogto ah kor ugu kici kara, taasoo keenta dhalaalidda barafka ceegaaga cidhifyada aduunka, badda oo masaafo ahaan korodha,, iyo dalal iyo magaalooyin xeebaha ku yaalla ama jaziirado ah oo halis ugu jira inay baddu ka dul marto. Waxaa sidoo kale la filayaa in abaaro iyo fatahaado ay sii kordhaan, iyadoo wadamada saboolka ah, sida ay si gaar ah ugu nugul yihiin masiibooyinkan dabiiciga ah.

Saameyntu waxay gaadhi kartaa xoolaha, dhirta, iyo beeraha, iyadoo wax-soo saarka dalagyada uu si weyn u hoos u dhici karo, dalalka ayaa awood u yeelan kari waaya inay soo saaraan cunto ku filan, taas oo dhalinaysa cunno-yari iyo korodhka sicirka cuntada. Dhibaatooyinkaasi waxay sababi karaan barakac iyo muran ka dhasha khayraadka sida biyaha iyo dhul beereedka, gaar ahaan marka khayraadkaasi yaraadaan. Tani oo si wayn u hurin karta colaado iyo dagaalo ka dhex dhaca badan bini’aadanka.

Waxaa laga cabsanayaa in haddii tallaabooyin lagama maar maanka ah aan la qaadin, isbeddelka cimilada uu gaadhi karo heer aan laga soo noqon karin, taas oo sababi karta burbur dhaqaale, deegaameed, iyo mid bulsho oo aan hore loo arag. Shirarka caalamiga ah ee cimilada sida COP, ayaa isku dayaya inay dawladaha caalamka ku qanciyaan muhiimadda tallaabooyinka deg dega ah ee lagama maar maanka ah si loo xakameeyo xaaladda ka sii daraysa.

Source: Green media initiative-GMI.

La soco…………