“Gobolka Awdal kuma sii jiri karo Madaar iyo Dakad La’aan” Murashax madaxwayne xigeen Xisbiga Waddani

0
84

Qore: Cabdiwahaab Daahir Xasan

Boorame (Dawan) Murashaxa Madaxwayne ku xigeen ee Xisbiga Wadani Amb Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa magaalada Boorama kala qayb galay taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Wadani oo isugu soo baxay kalkoodii sadexaad ee ololoaha loogu jiro Doorashada isku sidkan ee ururada iyo  Madaxtooyada.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in doorashada kadib hadii talada dalka ay ku guulaystaan Doorashooyinka dalka ka qabsoomi doona 13 November 2024 ay gobolka Awdal ka hirgalin doonaan dhismaha Madaarka Boorama, geesta kalena gobolka Awdal aanu ku sii jiri doonin  dakad la,aan, taasina ay ku imanayso hadii reer awdal u codeeyaan waxa uu ugu yeedhay isbadal doonka.

Murashax Maxamed Cali ayaa taageerayasha fagaaraha khayriyada ee Boorama iskugu yimid iyo guud ahaan bulshada ku nool gobolka Awdal ka codsaday in ay codkooda siyaan Xisbiga wadani iyo sidoo kale ta kursiga Madaxtooyada isla markaana uu Xisbiga Wadani yahay isbadal doon.

Geesta kale waxa uu xisbiga kulmiye ee haatan talada dalka haya ku eedeeyey in gobolka Awdal uu dhibaato u gaystay, waxaanu yidhi.”Reer Awdalow Xisbiga kulmiye dhibaatada uu Somaliland ugaystay gaar ahaan Reer Awdal  cidwaliba way ogtahay, arbacada soo socota fartiina ayaad ku badalaysaan, Qori uma baahnid, Ul uma baahnidin, waxa kalena uma baahnidin, Fartiina ayaad ku badalaysaan”.

Waxa uu sidoo kale taageerayaashii fagaaraha khayriyada Boorama ku sugnaa ku booriyey in ay diyaar ahaadaan maalinta cod bixinta isla markaana kaadhka codaynta sii diyaarsadaan.

Gabagabadii, Murashax Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in reer Awdal ay haystaan fursad taas oo sida uu hadalka u digay uu ku sheegay wixi 13ka kadameeya hadii ay maanta ka faaiidaysan waayaan aanay dib u soo marayn, waxa kale oo ydhi mustaqbalkoodu ku jiro Xukuumada iyo Xibiga kulmiye oo ay fartooda meesha kaga saaraan.