Qore: Boqore Axmed Cabdi
Hargaysa (Dawan) Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Md. Muuse Xassan Yuusuf ayaa shalay daahfuray barnaamij lagu taageerayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee naafada ah xiliga doorashada.
Barnaamijkani waxa uu adeeg caawimo ah siinayaa dadka naafada ah maalinta codbixinta, waxaa laga soo qaadi doonaa guryahooda waxaana la gayn doonaa goobaha codbixinta si ay codkooda u dhiibtaan, waxaana lagu celin doonaa guryahooda si nabadqab ah.
Daahfurka barnaamijkan ayaa waxa uu ka Dhacay xarunta guud ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, halkaasi oo uu goob joog ahaa Caynaan Axmed Ismaaciil oo ka socday Dallada Naafadadda Soamliland kaasi oo matalayay bulshada uu ka midka yahay ee helay maalinta codbixinta adeeg ay Guryahooda gadiid uga soo qaadayaan dadka naafada ah keenayaana goobaha codbixinta kadibna ay dib ugu celinayaan guryahoodii.
Muuse Xasan Yuusuf gudoomiyaha Komishanka Qaranka Somaliland ayaa xusay inay aad ugu faraxsan yihiin daahfurka barnaamijkan caawinay dadka baahiyaha gaarka ah qaba, taasi oo uu sheegay inay dedaal ku bixiyeen barnaamijkan isla markaasina ay ku tababareen hawl wadeenada inay adeeg dhakhso ah u qabtaan muwaadinka baahiyaha gaarka ah qaba marka uu soo gaadho goobta codbixinta.
Gudoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xusay in ay gaadiid keena goobaha codbixinta ay u diyaarityeen dadka naafadda ah balse shuruuda laga rabo qofkaasi ay tahay inuu joogo gobolkii uu ka codaynayay, waxaanu timaamay inay diyaar u yihiin dhammaan agabkii uu qofka naafadda ah u baahnaa, waxaanu xasuusiyay in qofku numberka 2339 uu soo wacayo intaasi kadibna uu gaadhigu ugu imanayo halka uu joogo.
Caynaan Axmed Ismaaciil oo ka socday Dallada naafadda Somaliland oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin adeegan muhiimka u ah dadka uu ka midka yahay, maadaama oo ay dhib badan ka mutaysanayeen marka ay codka dhiibanayaan.
Caynaan ayaa waxa uu wax aad loogu farxo ku tilmaamay in Komishanka Doorashooyinku ku dhiiradaan Barnaamijkan isla markaasina ay hawl wadeenada ku tababaraan inay qofka naafadda ah u horaysiiyaan goob kasta oo uu yimaado.
Caynaan Axmed Ismaaciil ayaa bulshadda naafadda ah ugu baaqay inay soo wacaan numberka wicitaanka ee 2339 kaasi ka jawaabay dhammaan baahiyahood maalinta Doorashadae e ay u baahan yihiin inya gutaan xaqooda Dastuuriga ah.
Gebo’gabadii Komishanka Doorashooyinka Qaranku waa markii u horeysay ee ay ku dhiiradaan inay sameeyaan barnaamijkan u adeegaya bulshada naafadda ah oo dhib kala kulmi jiray imaatinka iyo Kuyuuga dhaadheer ee codaynta.