Xukuumadda oo Cambaaraysay Dawladda Muqdisho oo Sheegatay Doorashooyinka Somaliland

0
94

Hargeysa(Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa cambaaraysay dawladda Muqdisho ee aan ciddi dooran oo sheegatay dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah ee 13ka bishan ka qabsoomaya dalka.

Warsaxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland oo ay soo turjuntay Wakaaladda wararka ee SOLNA, ayay ku sheegtay inay ka xun tahay in xukuumadda Muqdisho ee aanay ciddi doorani ay ku magac doonato doorashooyinka xorta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ku soo caano-maashay.

Waxa Wasaaradda Arrimaha dibaddu xustay in hannaanka dimuqraadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland uu 34 jirsatay, halka Soomaaliya aanay 64 sannadood aanay wax doorasho ahi taariikhdeeda ka qabsoomin, hase ahaatee ay si been abuur ah u sheeganayso guullaha Somaliland ka gaadhay dimuqraaddiyadda iyo doorashooyinka xorta ah.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxa ay ugu baaqday dawladda aan la dooran es Muqdisho inay xushmayso madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, kana fogaadaan in ay farogeliyaan doorashooyinka ka qabsoomaya Somaliland 13ka Bishan November 2024 ee madaxtooyada iyo xisbiyada.

Waxa kaloo xukuumaddu sheegtay inay Somaliland ay leedahay taariikh dheer oo ku wajahan doorashooyinka xorta ah; oo ay ka qabsoomeen 9 doorasho oo ay ka mid ahaayeen qaar madaxtooyo, goleyaal deegaan iyo doorashooyin baarlamaan iyo aftidii dastuurka, iyadoo si nabadgelyo ah oo dimuqraadiyad ah xukunka loola kala wareegayey ilaa 2003dii.

War-murtiyeedku wuxuu intaas ku daray in Soomaaliya lixdan sanno aanay wax doorasho ahi ka qabsoomin Soomaaliya, loogana fadhiyin inay sheegtaan dimuqraadiyadda ka hano-qaaday Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Khaarajigu waxa ay xustay in doorashooyinka Somaliland ay ka qaybgeli doonaan 90 xubnood oo goobjoogeyaal caalami ah oo u kuurgalaya hannaanks ay u qabsoomayaan doorashooyinka qof iyo codka ah oo noqon doona qaar hufan oo xor ah.