Qore: Boqore Axmed Cabdi
Boorama (Dawan) Madaxweyne ku-xigeenka la doortay ee JSL Danjire Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa saaka kullan ballaadhan la qaatay badiba culimada gobolka Awdal, kuwaasi oo salaam iyo hambalyo ugu tagay Madawayne ku xigeenka.
Kullankan ayaa daaranaa dar-daaran, duco iyo tusaalayn ay culimadu la wadaagayeen Madaxweyne ku-xigeenka dooran ee JSL, waxaanay u soo jeediyeen tallooyin la xidhiidha hogaaminta iyo sidii uu bulshada isugu wadi lahaa.
Dhinaca kale Culimaa’udiinka gobolka Awdal ayaa madaxwayne ku xigeenka la doortay uga mahadceliyay sida wanaagsan ee uu u qaabiley ugana dhagaystay wixii tallo iyo tusaale ah ee ay la wadaagen.
Geestiisa, Madaxweyne ku-xigeenka dooran ee dalka Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa ka mahadnaqay dardaaranka iyo ducada ay culimadu la wadaageen, waxaana uu ballan-qaaday in uu weelayn doono dar-daarankooda.
Madaxwayne ku xigeenka la doortay ayaa ka markhaati kacay kaalinta ay Culimadu bulshada ugu jiraan iyo sida ay uga qayb qaataan hawlaha waawayn ee bulshada la soo darsa, waxaanu xusay inuu dhagaysan doono tallo kasta oo ay Culimadu la wadaagaan.
Gebo’gabadii kullankan ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u degan, waxaanay madaxwaynaha iyo Culimada gobolka Awdal kala qaateen tallooyin iyo tusaale wixii ay hayeen.