Chad ayaa soo afjartay heshiiskii iskaashiga difaaca ee Faransiiska

0
71

Dowladda Chad ayaa Khamiistii sheegtay inay soo afjartay heshiiskii iskaashiga dhanka difaaca ee ay la gashay Faransiiska, tallaabadaas oo keeni karta in ciidamada Faransiiska ay ka baxaan dalka Afrikada dhexe.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Chad ayaa lagu sheegay in dalka Chad oo ah xulafada muhiimka ah ee reer galbeedka ee dagaalka kula jira mintidiinta Islaamiga ah ee gobolka, uu doonayo in uu si buuxda u caddeeyo madax-banaanidiisa kadib in ka badan lixdan sano oo uu xor ahaa.

Waxay sheegtay in go’aanka lagu soo afjarayo heshiiska iskaashiga difaaca ee dib loo eegay sanadkii 2019 uu awood u siinayo inay dib u qeexdo iskaashigeeda istiraatiijiyadeed.

Dalka Chad ayaa hore si dhow ula shaqeyn jiray ciidamada militariga ee wadamada reer galbeedka, balse waxa ay aad ugu soo dhawaadeen Ruushka sanadihii la soo dhaafay.

Go’aankan ayaa ah musbaar kale oo lagu dhuftay naxashka kaalintii taariikhiga ahayd iyo gumaystaha Faransiisku ku lahaa galbeedka iyo badhtamaha Afrika ka dib markii lagu qasbay in ay ciidamadooda kala baxaan Mali, Niger iyo Burkina Faso ka dib afgambiyo militari.

Ciidamada militariga ayaa tan iyo markii ay u weecdeen dhanka Ruushka, oo calooshood u shaqeystayaal la geeyay guud ahaan gobolka Saaxil – oo ah koox wadamo ah oo ka soo kala jeeda waqooyi-galbeed ee Afrika ilaa xeebaha waqooyi-bari – waxayna xidhiidh dhow la lahaayeen madaxweynaha Chad Mahamat Deby.

“Iyada oo la raacayo shuruudaha heshiiska, Chad waxay ixtiraami doontaa habka joojinta, oo ay ku jiraan waqtiyada lagama maarmaanka ah, waxayna la kaashan doontaa mas’uuliyiinta Faransiiska si loo xaqiijiyo kala-guurka is-waafaqsan,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Faransiiku wax jawaab ah kama odhan go’aanka ilaa iyo hadda, balse Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska, Jean-Noel Barrot, ayaa Khamiistii booqday xadka Chad uu la wadaago Suudaan.

Ma jirin wax calaamado ah oo muujinaya in Paris hore loo siiyey go’aanka, inkasta oo ergeyga Faransiiska ee Madaxweyne Emmanuel Macron uu toddobaadkan u gudbiyay warbixin soo jeedin ah oo ku saabsan sida Faransiisku u dhimi karo joogitaankooda milatari ee Chad, Gabon iyo Ivory Coast, halkaas oo ay ku sugan yihiin kumanaan ciidan oo la geeyey tobanaan sano ka hor.

Faransiiska waxaa Chad ka jooga ku dhawaad ​​1,000 askari iyo sidoo kale diyaarado dagaal. Dharbaaxo hor leh ayaa iyadyna ka soo gaadhay Faransiiska, Madaxweynaha Senegal Bassirou Diomaye Faye kaas oo wareysi uu siiyay TV-ga qaranka Faransiiska Khamiistii ku sheegay inaanay habooneyn in ciidamada Faransiiska ay sii joogaan dalkiisa.

Wuxuu ka gaabsaday inuu sheego haddii ama goorta ciidamada Faransiiska loo sheegi doono inay baxaan, laakiin wuxuu sheegay in Paris ay noqon doonto kuwa ugu horreeya ee ogaanaya. Ku dhowaad ​​350 askari oo Faransiis ah ayaa ku sugan Senegal.

Bayaanka ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Chad ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu soo afjarayo iskaashiga difaaca ee qaranka uu la leeyahay Faransiiska uusan sinnaba u wiiqin xidhiidhka saaxiibtinimo ee labada dal.

Horaantii sanadkan, Chad ayaa amar ku bixisay in ciidamo yar oo Maraykan ah oo hawlgalo gaar ah ka socda ay dalka isaga baxaan. Bishii Sebtembar, Maraykanku wuxuu sheegay in uu wadahadal u socdo sidii ay dib ugu soo laaban lahaayeen.

Pentagon-ka kama aanay jawaabin codsi ku saabsan in ay joogitaan ku leedahay Chad iyo in kale.