Qore Khadar M .Xaashi
Hargeysa (Dawan) Xildhibaan Qaasim Aadan Saleebaan, oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa ugu baaqay bulshada gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Ceerigaabo inay qaataan nabada, waxaanu ka codsaday waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo maamulkuba inay arrinta halkaa ku hayaan inta la isaga imanayo.
Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumadda ku guuleysatay jagada madaxtinimada ee uu ka mid yahay xildhibaanada soo saaray ay ugu talo gashay in arintaa degaankaasi dhammeystirkeeda in lagu wajaho nabadgelyo, balse aan lagu wajihin colaad iyo ciidan.
Geesta kale waxa uu sheegay in xukuumada cusub ee Somaliland ay wada hadal la fureyso gobollada Sool iyo Buuhoodle, isla markaana ay ku wajaheyso wada hadal iyo nabadgelyo.
Waxaanu yidhi.“Bulshada degmada Ceerigaabo waa isku-nool, oo aan kala maarmin, waa ehel, xidid iyo xigaal, waxaan ugu baaqaya inay nabadgelyada ka shaqeeyaan, wixii dhacana yaan loo astaynin arrimo xukuumaddo ka danbeeyaan ama qabaa’ilaad weyni ku heshiiyeen, balse haloo arko wax markaas meesha ka dhacday una baahan soo afjaris.
Xukuumaddan jagada madaxtinimada ku guuleystay ee aan ka mid ahaa xildhibaanadii soo saaray degaanadaasi waxa ay ugu talo gashay nabad, marna colaad ku wajihimeyso, waxa aanu u qorsheynay qaab nabadeed, wada hadal iyo in aan marna dadkaasi colaad la dhex-dhigin, raali kama nihin waxyaabaha noocaas ah ee ka dhacaya degaanmadaas, mana aqbaleyno inay colaaduhu ku soo noq-noqdaan, waxaanu rejaynayna in colaadahaasi la soo afjaro, cidkasta oo colaadahaasi ku luglena waxaanu leenahay aakhiradiina u tudha, wiilasha degaanada dadka iyo ehelkaba yaan colaad la dhex-dhigin.
Colaadi dhimashey leedahay cadaab aakhiro oo xanuun badan ayay leedahay, adduunyadana maalmo ayaynu joogna, waxaanu cadeynayna in xukuumaddayadu aanay marnaba diyaar u ahayn in degaamada Sanaag, Sool ama Buuhoodle ay ku wajahdo hab colaadeed ama hab ciidan, colaadkasta oo ka bilaabantana waanu ka xunahay, qofkasta oo masuul ahna waxaanu leenahay dadka aad masuulka ka tahay hor joogso inta nabadgelyada waarta laga hirgelinayo”
Xildhibaan Qaasim waxa uu sigaara fariin ugu direy madax-dhaqameedka gobolka Sanaag, waxaanu ka codsadey in arrinta ay nabadgelyo ku dhammeeyaan.
Waxaanu yidhi.“Madax-dhaqameedkuna waxkasta nabadgelyada haka horumariyaan kana midha dhaliyaan nabada, taasina hormood ka noqdaan.
Xukuumada Somaliland ka dhalatay ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiraxmaan Cirro, waxa ay wadaa baaq nabadeed, waxay xoojinaysa nabada iyo in aan wax colaad ahi dhicin, wax colaad ahna loogu iman maayo, sababtoo ah anaga ayaa qayb ka ah raalina kama nihin inta aanu maamulka ka mid nahay iyo xukuumada in colaado lagu wajaho dagaanadaasi,”
Xildhibaan Qaasim Aadan Saleebaan ayaa madaxweynaha La-doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), talo ka siiyay, kana codsaday in loo-hakiyo magacaabista masuuliyiinta gobollada Sool iyo Buuhoodle ee uu u qorsheeyay inay ka mid noqdaan xukuumadiisa, waxaanu hoosta ka xariiqay in aan loo baahneyn in la midi-roorteeyo, ee loo baahan yahay in wada tashi laga sameeyo oo la magacaabo rag wax ka tari kara nabadgelyada, isu-soo dhaweynta bulshada, xal u helista xaalada bulshada maqan ee gobolka Sool iyo siideynta maxaabiista ku xidhan magaalooyinka Laascaanood iyo Hargeysa.
Waxaanu yidhi. “Dhinaca kale xukuumada Somaliland ee dhalatay waan hanbalyeynayaa waxyaabaha ugu mudan ee ay dooneyso inay ka hawlgashana arrimaha gobollada bariga ayaa ka mid ah, arrimahaasina waxaa aanu ugu baaqayna inay dedejiso, kana shaqeyso sidii colaadaasi loo daminlahaa, sidii dadkaasi walaalaha ah gacanta la isugu saarilahaa, sidii jidadka loo-furilahaa, sdii maxaabiista iyo arrimaha kaleba looga wada-hadli-lahaa siideyntooda iyo is-dhexgalka bulshadaba, iyada oo ay muhiim tahay markasta in xukuumadu ahmiyada kobaad siiso, madaxweynahana waxaan ka codsanaya in deganadaasi arrimahooda si hoose loo eego si nabadgelyadu u xoogeysato”.
Xildhibaanka oo hadalkiisa siiwata waxa uu farta ku fiiqay si ay u soo dhawaadaan wada-hadalada bulshada gobolka Sool in siweyn looga fiirsado cidda la rabo inay ku matesho xukuumadda talada dalka ku guuleysatay.
Waxaanu yidhi.“Masiirka bulshada maqan anaga ayaa metela ee waa in wada tashi nalagala yeesho, maadama aan rabno in dadkii degaanka wada hadal la furno, si ay u dhaqangalaan wada hadaladaasi waa in xukuumadu hakiso magacaabista xilalka deganadaasi, si looga baaqdo in la magacaabo dad aan munaasib ku ahayn metelaada degaanadaasi amaba innaga sii didinaya, marka waxaan ku baaqayna iyada oo xaalada guud ee nabadgelyada laga horumarinayo wax walba iyada oo aan la socono in degaanadaasi waxa ay ku tageen ay saami ahayd iyo in la isu joojiyo markaa waxaan leeyahay maantana yaan la midi roortayn, ee magacaabista masuuliyiinta Laascaanood iyo Buuhoodle noo yara haki madaxweyne”.